Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo Cafis Weydiistay Shacabka deegaankiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo Cafis Weydiistay Shacabka deegaankiisa
July 12, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hoggaanka Jabhadda ONLF ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan baaqa Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu u soo jeediyey jabhadaha iyo xisbiyada mucaaradka ee ah inay nabad qaataan.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo isbeddellada 100-ka maalmood ee uu xilka hayey ra’iisal wasaaruhu.

Wuxuu intaa ku daray in mar kasta oo shaqo la qabanayo uu khalad dhici karo, “balse wararka brobogaandada marka la iska reebo wixii aan khaladkiisa leennahay inaan saxno ayaan diyaar u nahay” ayuu yidhi.

Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Maxamuud Cumar in khaladaadka hore u dhacay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan xukumadda deegaanka iyo xisbiga talada haya, wuxuuna madaxweynahu cafis ka dalbaday shacabka deegaanka.

“Dhammaanteen waa inaan khaladkeenna qiranno, isla markaana aan dalbanno cafis, dhaqankaasi ayaa loo baahan yahay inaan dhammaanteen caadeysanno” ayuu yidhi.

Jabhadda ONLF oo uu dhawaan golaha baarlamaanka dalka Itoobiya ka saaray liiska ururrada argagixisada, ayuu weydiistay in fursadda la siiyey iyaga oo ka faa’ideysanaya ay si nabadgalyo ah siyaasaddooda u wataan.

“Hoggaanka jabhaddu colaaddii iyo naceybkii hore ee ay sannado badan waddanka u hayeen intey dhinac iska dhigaan, dadaallada nabadeed ee dalka ka socda waa iney qayb ka noqdaan” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

“Dhammaan maxaabiistii u xidhneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayey, wakhti xaadirkan hal qof oo jabhadda ONLF darteed u xidhan ma jiro” ayuu sii raaciyey.

Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku soo beegmaya iyadoo Isbeddello siyaasadeed ay ka socdaan dalka Itoobiya.

 

COMMENTS
LINKS