Ma Jirtaa Faa’iido La Taaban Karo Oo Maayarka Gabiley Ka Keenay Safarkii Uu ku Tagay Dalka Sweden ? Faalo. W/Q:-C/laahi Ismail Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Jirtaa Faa’iido La Taaban Karo Oo Maayarka Gabiley Ka Keenay Safarkii Uu ku Tagay Dalka Sweden ? Faalo. W/Q:-C/laahi Ismail Cali.
July 12, 2018 - Written by Editor:

Ma Jirtaa Faa”iido La Taaban Karo Oo Maayarka Gabiley Ka Keenay Safarkii Uu ku Tagay Dalka Sweden ? Faalo. W/Q:-C/laahi Ismail Cali.

Muuqaalada Siyaasada hogaamineed ee Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxay ka marag furayaan in ay wali sii socoto Caadooyinkii xumaa ee Xukuumadiisu ka dhaxashay Xukuumadii Madaxwayne Siiraanyo,waxaase marag ma doona in ay Wasaarada Arimaha Gudaha ay ka gaabisay waajibkii ka saarnaa Maayarada Dalka Xilldhibaanada Golaha Deegaanka ee kormeerka iyo baadhista Hantida,Shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda,Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka kuna hogaamiso,iyadoo si cad u qeexayo Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka ee Xeer Lr 23 Qodobka 98 in uu waajib gaar ahi ka saran yahay Wasaarada Arimaha Gudaha .
KORMEERKA IYO BAADHISTA.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh kormeerka iyo baadhista Hantida,Shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka.Sidoo kale Hanti Dhawrka Guud ayaa u xil saaran baadhista maamulka iyo maaliyadda Golahayaasha deegaanka Degmooyinka ay maamulaan .
Waxaase hubaala in markii ay dhalatay Xukuumada Kulmiye ee Madaxwayne Siiraanyo hogaaminayay ay gabi ahaanba Wasaarada Arimaha Guduhu noqotay mid hawlgaba.Waxaanay sabobtay in Maayarada Dalka ku kacaan arimo ugub ah oo hore loogu arki jirin Saaxada Maamulka Xukuumadihii ka horeeyay ee Madaxwayne Marxuum Cigaal iyo Madaxwayne Rayaale,waxaana muddo xileedkii Xukuumadii hore ee Kulmiye Saaxada Maamulka ku soo kordhay in ay Masuuliyiintu Safaro joogto ah ku tagaan Wadamada Yurub iyo Maraykan,iyadoo dhamaan Masuuliyiinta Xukuumadu Madax iyo Mijo sida:-Wasiirada,Wasiir ku xigeenada,Agaasimayaasha Guud,Agaasime waaxeedyadu iyo Maayarada dalku Safaro ku tagaan Wadamada Yurub iyo Maraykan,waxaase iswaydiin mudan Su”aalahan :-
1.Ma jirtaa Faa”iido la taaban karo oo Maayarka Gabiley ka keenay Safarka uu ku tagay Wadanka Swidhan ?
2. Ma jirtaase baahi loo qabo in muddo Sadex bilooda Laba Safar Maayarka Gabiley ku tago Wadamada Yurub ?
3.Ma lagu daray kharashaadka Maayarka Gabiley ugu safrayo Wadamada Yurub Miisaaniyadaha Dawlada Hoose ee Golaha Deegaanka Gabiley ansixiyeen ?
4.Hadii aanay Miisaaniyada ku jirin,Halkay ka baxdaa kharashka faraha badan ee Maayarka Gabiley ku bixiyo Safarka uu ku tagay Wadamada Yurub ?
5.Door noocee ah ayay Wasaaradda Arimaha Guduhu ku leedahay dardar galinta hanaanka Xillgudasho ee Maayarada iyo Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka Dallka ?
6. Wasaaradda Arimaha Guduhu ma buuxisay Kaalintii ay ku lahayd kormeerka,dardar galinta,Hantida iyo Dakhliga ee Maayarada iyo Xilldhibaanada Dalka ?
7.Halkay ku dambaysay Baadhista ahaa ee Hantidhawrku ku sameeyay Dawlada hoose ee Dagmada Gabiley ?
8.Maxaase ka hortaagan Wasaaradda Arimaha in ay gudato Waajibaadka Sharci ee ay u leedahay kormeerka iyo baadhista Hantida,Shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda,Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Maayarada iyo Xilldhibaanada Dalka ?
Dhamaan Su”aalaha waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan .
Ugu dambayn,waxay Dadka arimaha Maamulka iyo Siyaasada aqoonta gaara u leh waxay ku tilmaameen in Safarada Maayarka Gabiley ku tagayo Wadamada Yurub aanay Faa”iido ugu jirin Bulshada ku dhaqan Dagmada Gabiley ee Saboolka ah, kana marag furayaan sida loogu dalxiis tagayo uguna takri falayo Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Dheere Dakhligii Bulshada Gabiley .
Dhaqamada Noocan Oo Kale oo aan ahayn Kuwo hadda Bilaabmay Balse ay Caado U Tahay Hadaba Masuulka La Aamino ee Shacabku u Doortaan Hogaaminta Degmada Gabiley Ayaa Muddo Doora marka uu Xilkaasi maayirnimo hayaba Isu Arka Inuu Noqday Siyaasi Weyn Oo uga Sii Xamaan iyo Xoolo urursada Digreeto ama Wareegto Madaxweynuhu ugu magacaabo mansab aan ka weyneyn Ka Maayirnimada, Waxaana Ficilada isbedel Ee Maayirka Degmada Gabiley Ka Mid Noqonayaan uun Kuwaas hore Bulshada Ku Nool Degmada Gabiley ugu Soo Hungoobeen.

W/Q:-C/laahi Ismail Cali.
A/laahi125@gmail.com

COMMENTS
LINKS