Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Tobobar U Soo Xidhay 52 Xubnood oo Ka Mid Ah Bahda Garsoorka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Tobobar U Soo Xidhay 52 Xubnood oo Ka Mid Ah Bahda Garsoorka
July 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland ahna guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah Prof, Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa waxa uu tobabar u soo xidhay 52 qof oo ah hawl wadeenada darajooyinka kala duwan ee Maxkamadaha oo ay ka mid yihiin Maxkamada Sare, Maxkamada Racfaanka, Maxakamada Gobolka iyo Maxkamada Degmada.

Munaasibadan oo ka qabsoontay xarunta hoolka Shaqaalaha dawlada ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Gudoomiye Ku-xigeenka Maxadka Tabarka shaqaalaha dawlada iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof, Aadan Xaaji Cali Axmed oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa waxa uu ugu horayn ka waramay qaabka ay ku yimaadeen tobabaradani.”Waxay ka yimaadeen Tobabaradani daraasad la sameeyay iskamay imanin laba sano kahor ayaa si aan u ogaano baahida shaqaalaha kala duwan ee garsoorka wadanka oo dhan baahiyaha ay qabaan ee xaga awooda dhisme ah oo aan ahayn xaga kaabayaasha qiimayn lagu sameeyo markaa asasman kaas cidii ugu fiicnayd ee noo samayn karaysay ee awoodaa iyo dhisme lahayd waxay ahayd maxadka shaqaalaha wax dhaqaala ah nagamay qaadan shuruudna nagumay xidhin wayna yimaadeen anaguna dhaq-dhaqaaqii iyo fursadii ayaanu siinay, baahidiina meelbay taalaa waana taanu ka duulno tobobarkan maanta xidhmayana iyo kuwa danbe ee cusub ee bilaabmaya dhawaan iyo kuwa mustaqbalka imanaya waxaa loo noqonayaa baahidaas”.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamada Sare Prof, Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay hawl wadeenadii tobobarku u soo xidhmay ee ka hawl galayay Maxkamadaha Dalka.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS