WAJAALE NEWS

“Hadaanu Cadaalad Wadan Ku Dhisnayn Waa Meel Habaar Yaalo, Ilaahayna Habaarayo, Bini,Aadamka Ku Noolna Ay Is Habaarayaan”. PROF SAMATER.

“Qabyaaladuna Waa Tolnimadii Oo La fasakhay Oo la Wasakheeyay, Lana Jajabiyay, Waxaa la Wadaana Ay Tahay Sidii Looga Baxsan Lahaa Kartida Iyo Aqoonta” Prof Axmed Ismaaciil Samater.

Hargaysa (W,N)- Prof, Axmed Ismaaciil Samater oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad lagu casuumay ayaa waxa uu ka hadlay horumarka ka socda magaalada Hargaysa  waxaana uu sheegay in korniinkeedu si fiican u socdo islamarkaana loo baahan yahay in si fiican looga shaqeeyo dhinaca diriiqyada iyo Nadaafada.

Isagoo Arimahaasi ka Hadlayana Wuxu Yidhi “Habeenkii Anigu Waan Daawadaa Magaalada Meelkastana Waan ka Eegaa, Waxaa u hadhay Uun Wadooyinkii Oo si Wanaagsan loo dhiso Laydh Tiriigii oo ay Magaaladu yeelato Meel Qurux badan ayay Noqo Naysaa Hadii Laga Shaqeeyo Nadaafada,

Dhanka kale Prof, Axmed Ismaaciil Samater oo ka hadlaya sida loo gaadho Horumarka Dhakhsaha ah Ayaa waxa Uu Tilmaamay In Hadii ay Somaliland Ay Higsanayso Dhinaca Horumarka ay Talaabada Koowaad Tahay, In la sugo Caadalada Oo Dadka oo Dhan ay cadaaladu Gaadho Isagoo Sheegay in Arintaas looga fadhiyo Xisbiga Kulmiye.

“Anigu waxaan leeyahay Dhaqaale Dhis, Aqoon Dhis, Siyaasad Dibadeed Dhis, Caafimaad Dhis Waa Arimihii Hadaanu Nahay Reer Kulmiye Aanu dagaalka ku galnay Xisbigana Waa laga Sugayaa Taas Inuu ka Dhabeeyo Oo Uu keeno Hadalkiina waa la keenay dadkiina waa laga iibiyay waana la guulaystay xisbigana Waalaga Sugayaa, Dadka Sadex Amuurood keeni Waaya, Haday Noqoto Aqoon la Dhisayo, Caafimaad la dhisayo ama siyaasad dibadeed oo la dhisayo sadexdaa amuurood dadka keeni waaya Haday waxkasta Haystaan way Dabran yihiin oo ma dhaqaaqi karayaan, Ta Ugu Horaysaana waxa Weeye wadan Caadaalad in laga helo Hadaanu cadaalad Wadan ku Dhisnayn waa meel Habaar yaalo Ilaahayna Habaarayo, bini adaamka ku noolna ay is habaarayaan,

Isagoo hadalkiisa sii wata Wuxu yidhi “Hadaanay cadaalad jirin, Walaalahayaga bariga fog jooga waanu wada doodnaa mar marka qaarkoodna doodo kulul ayaa na dhexmara labaatankii sano ee ugu danbeeyay khaasatan intaan wadanka kusoo noqday todobadii sano ama lixdii sano ugu danbaysay waxay Igu yidhaahdaan markaanu Aad u wada doodno halkaa xamar wax inoo yaala ma jiro, lakiin Prof, Samateroow Abtiyaashaa Malaga helayaa cadaalad waana Su,aal goor walba miiska taala ama Waddani ahaw ama Ucid ahaw ama Kulmiye ahaw waa arin miiska taala inta laga meer meerayo ee aan jawaabteeda laga bixin way inaga kala daadanaysaa.

“Waa cadaalad, dadku waa in ay aamin san yihiin wax karti la yidhaahdo karti iyo qabiilna shaqo iskuma leh qabiilkuna waxkale maaha tolnimada dadka is toyanaya ee dadka madaxda u ah ee salaadiinta iyo odayaasha fahansan. waa dhaqankii dhiibka ahaa ee dhabta ahaa, qabyaaladu maaha taas,

“qabyaaladuna waa tolnimadii oo la fasakhay oo la wasakheeyay lana jajabiyay waxaa la wadaana ay tahay sida looga baxsan lahaa kartida iyo aqoonta, markaa hadaad tidhaahdo Anigu reer hebel ayaan ahay uma baahnid waxkale oo miiska ayaad soo fadhiisan lakiin aqoontu waxaas ayay la dagaalantaa Somaliland-na waa inay karti keentaa waa inaynu keenaa karti aan hore loo arag hadaynu doonayno inaynu duulno ta wax isku duubaysaana waa in laysla fahmo wadanka in la wada leeyahay oo uu wada jirku jiro,

Hadaynu keeno Wada jir, Cadaalad iyo karti hadaynu keeno waanan ku khamaarayaa hadii sadexdaa laynaga helo oo inaga dhab noqoto oo inteena nooli ku dhaqmayno kuwaynu dhalnayna aynu ku talaalno oo ay noqoto maskaxda wadanka iyo sida loo nool yahay, waxaan qabaa Somaliland in kontonka sanadood iska daaye labaatan sanadood in lagu arki karo iyadoo meel kale martay oo socotay. Ayuu yidhi Prof Samater,

HALKAN KAGA BOGO MUUQAALKA PROF SAMATER;

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE XAMSE JIRDE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version