WAJAALE NEWS

Ciidamada Suuriya oo todobo sano ka dib qabsaday magaalada Deraa

deraaHargaysa(WJN):- Ciidamada dawladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada Deraa ee koofurta dalka, halkaasi oo ay maamulayeen kooxaha mucaaradka waana halkii 7 sano ka hor uu ka biliowday kacdoonkii Bashaar Al-Asad.

Ciidamo ay wehliyaan milatariga Ruushka ayaa galay goobta waxa ayna ka sureen calanka qaranka Suuriya, sidaasi waxaa sheegay warbaahinta dowladda Suuriya.

Waxaa la soo sheegaya in mucaaradka ay ogolaadeen in ay is dhiibaan si loo badbaadiyo.

Ciidamada ayaa dib u qabsaday inta badan goobaha ku hareereysan magaalada Darca tan iyo markiii ay ciidanka bilaabeen dagaalka 19-kii June ee sanadkan.

Qaramada midobay ayaa sheegeysa in ilaa iyo 234,000 oo qof ay ku barakeceen dagaalka, boqolkiiba toddobaatan dadkaasina waxa u qaxeen gobolka dariska ee Quneitra oo u dhaw buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato.

Kumanaan kun oo qof oo kale oo markii hore u qaxay xuduudda ay suuriya la wadaagto Urdun ayaa guryahooda dib ugu soo laabatay kadib markii maalintii Jimacaha ahayd ay dagaalyahanada mucaaradka ee ku suganaa baadiyaha Darca ay ogolaadeen in ay hubka dhigaan oo ay ogolaadeen in la xukumo.

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Habbane

Exit mobile version