Somaliland Iyo Somalia Wixii Ka Danbeeyey Xornimadii 1960 Iyo Gumaysatashee Reer Yurub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Somalia Wixii Ka Danbeeyey Xornimadii 1960 Iyo Gumaysatashee Reer Yurub.
July 14, 2018 - Written by Reporter:

Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood markay arkaan ciwaankan qoraalka uu is yiraahdo muxuu uga jeedaa ,wax walba waanu ognahee wixii ka danbeeyey gumaystayaashii i somliland iyo Somalia ,laakiin markaad hoos u dhaadhacdo qoraalkan waad fahmaysaa waxaan uga jeedo.

Haddii aan ku horeeyo Somaliland oo markaa la odhan jirey Gobolada waqooyi ee uu ingriisku xakumaayey ,markii shacabkii waqooyi waxay u dhaqaaqeen sidii ay heeryada gumaysiga isakaga dul qaadi lahaayeen igoo ka dacad ah in gumaystaha iska dulqaadaan caruur iyo ciroolaba waxay u guntadeen sidii ay xoriyad buuxda uga qaadan lahaayeen gumaysigii ingiriiska ,waan soo gaagaabinayaa si aad u fahanto waxaan u jeedo ama nuxurka qoraalkan ,qof walbna wuu ogyahay in ay somaliland xoriyad buuxda ka qaadatay 26 june 1960 ingriiskii  ,maalintaas oo qiimo badan ugu fadhida shacabka Somaliland , 4 cisho ka dib iyagoo jibaysan waxay la midoobeen soomalidii koonfureed,haddaba nuxurka qoraalku waakan ,Somaliland ama goboladii waqooyi ee waqtigaa la midoobay ,gebi ahaanba waxay caydhiyeen gumaysigii ingriiska noloshoodana dib uma soo galin ,kaliya waxaa jiray afka ingriiska oo ku dabeeyey xaga waxbarshada waayo?afsomaali waqtigaa qoran ma jirin ,laakiin waxkasta oo nolosha dadka Somaliland way ka saareen gumaysigii ingriiska ,gaaladii ingrissku markii ay xoriyada qaadatay Somaliland dhamaan way ka guureen ciyaal iyo ciroolaba waxay ku noqdeen waddankoodii ingriiska ahaa,markaa taasi waxay ku tusalaysaa in ay Somaliland dhamaan ka xorowday ingriiskii.

Haddii aan waxyar kaaga sheego isku darsankii 1july 1960 gobolada koonfureed waxaa la moodaayey in ay ka xoroobeen talyaaniga ,markaad eegto dusha sare way ka xoroobeen talyaaniga laakiin markay isku darsameeyn Somaliland iyo Somalia waxaa gacanta labadaba loo galiyey gumaystihii talyaaniga oo hoos ka gumaysan jirey ,waxaa laga yabaa in aad la yaabto qoraalkan ood istidhaado soomaliya sawtii xorta ahayd muxuu sheegayaa? .laakiin u fiirso am ka bogo u jeeddada ,wax walba oo khayraadkii ummadda somaliyeed oo dhan waxaa qaadan jirey talyaaniga ,beeraha koonfurta ee muuska ama mooska waxaa lahaa rag talyani ah ,bal tusaale ahaan haddaan kuu soo yara qaato ,ma maqashay in la yiraahdo somaliya xaga beeraha mooska ama muuska khudrada iwm ayey qani ku tahay ,hadaba  anigu waxaan ku dhashay  kuna soo barbaaray gobolada galbeedka Somaliland weligay intaan ku noolaa ma arag muus ama moos somaliya ka baxa oo magaaladayda lagu iibiyo hargeysa Ayaan marmar ku arki jiray muus ama moos aad moodo in uu xumaaday oo maddmadow oo la odhan jirey xamar baa laga keenay iska daaba khudrad kale .haddaba suaashu waxa weeye xaguu aadi ama tegi jirey mooska ay somaliya qaniga ku ahayd ?,muuska ama mooska somaliya wuxuu ahaa muuska ama mooska ugu macaan dhamaan waxaa la geyn jirey seyladddaha talyaaniga ,waxaa la odhan jirey lacag adag ama dollars ayaa la siisan jiray maxaa ummadda somaliyeed ka galay  lacagta  adag ,muuskoodii ama mooskoodii inan yar oo talyaani ah ayaa ku cunaaya  Rome ,taasi waxay ku tusaysaa in uu gumaysigii talyaanigu weli hoosta ka gumaysan jirey somaliya oo ay u fududeeyeen rag somaliyeed oo ka soo jeeda goboladii koonfureed iyagoo aan la tashan walaalahood ku soo biiray ee Somaliland gacantana u galiyeen gumaysiga talyaaniga.

Midda kale xaga waxbarshadii somaliya ,waxaa dhamaan ku yaalay magaalada muqdisho jaamacadihii waddanka oo dhan ,waxaa jirtey in luqadda talyaaniga lagu dhigi jirey dhamaan jaamaadaha ,marka laga reebo jamaada lafoole oo ahayd  kulayada macalinimada oo ingiriis lagu dhigan jirey .bal hadda qiyaas waxaad ka timiday Somaliland ama goboladii waqooyi ee waqtigaa weligaa dhegtaadu may maqal kalmad talyaani ah, qofka koonfur ku noolaa xitaa wuuu maqli jirey kalamado talyaani ah .waxad rabtaa in aad caafimaadka barato  ,waa in aad talyaani taqaanaa waxaa lagu dhigaa talyaani 6 bilood oo kaliya ayaa waxyar oo talyaani ah laguu qaraf qaraf siinayaa kadibna adaa is deberyaayo soo fadhiiso galaasaka ,waa dhibta ugu weyneed ee ku habsan jireytay ardayda reer waqooyi ,talyaanigu wuxuu ilaa sii xakumi jirey dawaladii hoose ee xamar ,iyo meelo kaleoo ilaa hadda aan xasuusan .markaa miyaanay halkaas kaaga soo bixin in talyaanigu weli somaliya gumaysan jirey marka lagu daro goboladii waqooyi somaliland miyaanay gebi ahaanba ka xaroobin ingriiska noloshoodana aanay dib u soo gelin ?

Abwaankii weynaa ee xasan sh muumin wuxuu yidhi (waa suaal da, weynoo maddax daalinaysee dadweyna la weydiiin)

 

Mahadsantihiin dhamaan

Ali Abdi Farah (abraar)

Toronto Canada

 

COMMENTS
LINKS