Xulka qarankan Belgium oo 2-0 Kaga bediyay England | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka qarankan Belgium oo 2-0 Kaga bediyay England
July 14, 2018 - Written by Reporter:

Xulka qaranka Belgium ayaa waxaa uu guul mihiima ka gaadhay Xulka qaranka England, kadib markii Laba gool oo ay labada qeybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen Eden Hazard iyo Thomas Meunier ayaa ka dhigay natiijada kulanka iney xulka Red Devils ku badiyaan 2-0, waxeyna sidaas ku noqdeen xulka kaalinta saddexaad ka gala koobka Adduunka.

Thomas Meunier wuxuu noqday ciyaariyahanka 10-aad ee kala duwan kaas oo qarnka Belgium gool u dhaliya koobka Adduunka, sidaas darteed waxey rikoodhkaas kula biirayaan wadamada France iyo Italy oo sidoo kale min 10-xiddig goolal ka helay koobkii Adduunka 1986 iyo 2006.

Natiijada waxey ku dhamaatay 2-0, oo ay guusha ku raacday Belgium, sidaas darteed xulka Red Devils lagu neynaaso ayaa noqday kan saddexaad ee ugu wanaagsan dunida halka England ay noqdeen xulka afaraad.

 

Belgium-2

COMMENTS
LINKS