Muxuu Yahay Farqiga U Dhexeeya Farmaajo Iyo Dr Abbey Ahmed?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Yahay Farqiga U Dhexeeya Farmaajo Iyo Dr Abbey Ahmed?.
July 14, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynaha Dalka Eritrea, Isayas Afawerqi ayaa Maanta Ka Soo Degay Magaalada Addis Ababa oo ay Ugu Danbaysay 20 sano Ka hor

Si weyn baa loogu soo dhoweeyey Magaaladiisii beri-Samaad! Bil ka hor maanka iyo maskaxda midna laguma Hayn In Isayas Araggiisa la Isku Garbin doono Bole Airport dhexdiisa!.

abey iyo eseyes

KU Darsoo Wadanka Eritrea Waxa uu Ahaa Wadan Ka Mid Ah Dalka Ethiopia Ka Hor 1993kii.

Waxaa Dawlad Loo Aqoonsaday 1993kii Ethiopia ayaana Siisay Aqoonsiga Ka dibna Waxaa Dhex Maray Dagaal Dhinaca Xuduudaha ah Kaas oo Socday 20sano In Ka Badan iyagoo Kumayaal Askari Kaga Dhintay Dagaalkaa Ayaa Maanta Noqday Laba Dal oo Heshiis ah.

maxamed cali

Hadaba Maanta Hadii uu Madaxweynaha Dalka Somaliya Farmaajo uu Qaado Talaabadan oo kale Maxaa Ka Hortaagan?.

KU Darsoo Waliba Maanta Somaliland iyo Eritrea Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin.

  1. Maanta Somaliland Iyo Somalia Dagaal Kama Dhexeeyo.
  2. Somaliland iyo Somalia Waa Laba Dal oo Muslimiin ah Dadkiisuna Yihiin Dad Walaalo ah oo Xidid iyo Xigaalba Wadaaga.
  3. Somaliland Waxa Ay Ahayd Dawlad Jirta 1960kii Ka Hor Somaliyana Iyagaa Ku biiray ee Maaha Maanta Gobal Go’aya.

Arimahan iyo Kuwa Kale oo Badan Waa kuwo u Sahlaya Maanta in uu Si Sahal ah u Dhameeyo Arimaha Madaqada Geeska Khaasatan Kuwa Maanta Ka Dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

By Maxamed Cali Mataan

Hargeisa Somaliland

Mataan448@gmail.com.

COMMENTS
LINKS