Xulka Faransiiska oo La Gudoonsiinayo Abaal Marintii ugu Saraysay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulka Faransiiska oo La Gudoonsiinayo Abaal Marintii ugu Saraysay
July 16, 2018 - Written by Reporter:

Xulka Faransiiska oo ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa la guddoonsinaya abaal marintii ugu sarraysay, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Xulka Faransiiska ayaa salaan sharaf ka qaadan doona ciidamada dalkaasi, waxaana sidoo kale lagu marti qaadi doonaa aqalka madaxtooyada.

Taagerayaal badan ayaa isu soo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Paris ee Paris’ Charles de Gaulle si ay u soo dhaweeyaan xulka Faransiiska.

Xalay dadweyanaha Faransiiska waxay u dabaaldegayeen guusha, inkastoo meela qaar ay rabshado isku baddaleen.

 

199208ad-ed1a-4a3d-9152-4a438dc4bf84

COMMENTS
LINKS