Sirta Dahsooni Waa Habka Fahamka Maskaxda Aadamaha! Qaybtii 4-aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sirta Dahsooni Waa Habka Fahamka Maskaxda Aadamaha! Qaybtii 4-aad
July 17, 2018 - Written by Editor:

Xaaladdu way adag tahay, oo maaha mid isha lagu sii hayn karrayo,  dabeylaha xidhiidhsan ee ku socda xawaaraha dheereynaya  iyo hirarka mowjaddaha badda ee kacsan, haddana, waxay nagu war-galiyeen waaxda saadaasha cimiladdu, in maalmaha soo socda ay nabdoon tahay saadaasha cimiladda baddu.

XOGTA DAHSOON

Waxaanu daawanaa duni cusub oo aan lahayn midabbada dhulka, shimbiro koox-koox u wada socda oo wadhfinaaya baalashooda oo nagu dul-haadayey duulimaadyo hoose iyo midabbada xidigaha cirka ee basaliga, liimiga iyo cadaanka ah.

Billihii ugu horeeyey waxaanu yeelanayey adkeysi badan oo waayo-arragnimo dheeraada leh, haddana, rajadayadu waxay ahayd mid sii kordheysay, annagoo dareensan in aanu ku dhex jirno sanduuq madow oo aan lahayn wax dabacsanaan ah, una diyaarsaneyn sidii dad dhoofaya oo kale,

Markabku wuxuu lahaa qawaaniin cudoon iyo xeerar dhaqan oo lagu kala saari jiray marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaashaha dadka saaran markabka guudkiisa, taasoo, tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyin ka dhex alloosnaa dad xasarad badnaa oo la kala illaalin jiray, la iskana illaalin jiray  dhibkoodu in uu gaadho bulshadii kale ee degeneyd qaybihii kale ee uu ka koobnaa dabaqyaddii markabkii S-Dnal-Re.

Kulan wada-xaajood ah oo lagaga arinsanaayey, sidii xal loogu helli lahaa dhibaatadan muddada dheer soo jiitamaysay, kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen dad badan oo iskugu jiray, aqoon yahano, xeel-dheerayaal, xidaariyiin, salaadiin iyo suldaano.

Gabagabadii shirkaas, waxa go’aan lagu gaadhay oo la isla qaatay in la fuliyo fikir uu soo jeediyey, Xidaari ku takhakhusay cilmiga barashada dabiibka cudurada nafsaaniga ah, oo ku taliyey, in hal habeen oo kaliya la’wada mariyo rinji basaliya dhamaan guryaha ay degen yihiin dadkaas.

Markii lagu dhameystiray habeen kaliyaata hawshii ee uu waagu baryey aroornimadaas ee ay soo tooseen, waxa uu indhahoodu qabtay midab basali ah oo aad u qurux badan, oo la mariyey dhamaan guryaha ay degen yihiin, arrintaas oo ku dhalisay inay la ashqaraaraan, iyagoo isweydiinaya, sidii ay suuro-galka u noqotay in hal habeen oo kaliya, san qadh la’aan loo wada mariyo rinji boqolaal kun oo guri? laakiinse, fikirkaas waxa uu dabiib u noqday xal u hellida dhibaatadii muddada dheer soo jiitamayey.

La soco…….

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

 

COMMENTS
LINKS