WAJAALE NEWS

Qoys Ay Kala Goysay Colaaddii Itoobiya Iyo Eritrea Oo 16 Sanno Ka Dib Kulmay

Asmara (W,N) Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa markii ugu horreysay muddo 16 sano ah la kulmay labadiisa gabdhood.

Labadani gabdhood ee lagu kala magacaabo Asmera iyo Danait ayuu kula kulmay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Waxa uu suxufigani ka mid ahaa qoysas badan oo ay kala geeyeen 20 sano oo dagal iyo colaad u dhaxaysay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa gabdhihiisa la kulmay waxa uuna ahaa kulan farxad iyo oohin isugu jira.

Waxa uu saxafigani qayb ka ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradii ugu horreysay oo u kala gooshta magaalooyiinka casmara iyo Addis ababa.

Maalintii shalay ayay ahayd markii duulimaadkii ugu horeeyay oo ka tagay Addis ababa uu gaadhay magalada Casmara.

Exit mobile version