Ma Jiraan Wasiirro Ama Madaxda Sare Ee Qaranka Oo Maayarka Gabiley Gacan Ku Siiya Musuq Maasuqa Iyo Ku Tumashada Xeerka Iyo Sharciga Dalka ?FAALO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Jiraan Wasiirro Ama Madaxda Sare Ee Qaranka Oo Maayarka Gabiley Gacan Ku Siiya Musuq Maasuqa Iyo Ku Tumashada Xeerka Iyo Sharciga Dalka ?FAALO.
July 19, 2018 - Written by Editor:

Duqa Ama Maayarka ka Baaqsaday fulinta Qabshada Shirka Aan Caadiga Ahayn Wuxuu Mutaysanayaa Ciqaab Gaadhi karta Waayitaanka Xubinimada Sida Ku Xusan Q.26aad Ee Xeerkan .

 GABILEY(W,N) Geediga Dimuquraadiyada S/land Qaaday ee Doorashooyinka Waxaa Saldhig u Ahaa Doorashada Golaha Deegaanka Oo fure u Ahayd Maamul Daadajin Laga sameeyo Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka ee la soo doortay ay masuul ka yihiin aayo ka talinta Masiirka iyo Horumarinta Deegaankooda.

Balse Tacab ba’ay Beer uun Maahee,Waxay Wasiiradii Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Xukuumadihii Habka Doorashooyinka tooska ah lagu soo doortay Dhamaantood ku Guuldaraysteen in ay hogaanka u qabtaan Nidaamkii loo soo Doortay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Waxaana lagu Tilmaami karaa Wasaarada Arimaha Gudaha Wasaarad hawlgaba oo lagu hungoobay oo ka gaabisay in ay abuurto Nidaam Maamul oo ku dhisan Isla xisaabtanka, Ku dhaqanka Sharciga iyo Xeerarka Dalka,Ee La Dagaalanka Musuq maasuqa iyo ka Fogaanshaha Laaluushka .

 Inkastoo,Maayarka Gabiley Caadaystay Talaabooyin Aanay hore ugu kicin Dhamaan Maayaradii ka horeeyay,isagoo Maayarka Gabiley kula kacay Xilldhibaanadii Golaha Deegaanka ee la soo doortay in uu Amar ku bixiyo in ayna soo galin Dayrka Xarunta Dawlada Hoose ee Gabiley oo ah Xafiisyadii iyo Xaruntii ay ka socotay Shaqadii loo soo doortay.

golaha gabiley

Sidoo kale,Talaabada Maayarka Gabiley Maanta qaaday ee uu Guusha u haystaa Waxaay ka marag kacaysaa guuldarooyinka Iyo Dhaliilaha Dull hoganaya Wasaarada Arimaha Gudaha ee ay u fasaxday in ay Maayarada Dalku siday doonaan u socdaan oo Xeerarkii iyo Shuruucdii dalka gabi ahaanba la laabo,waxaana hubaala in uu ALLE uu kula Xisaabtami doono Maalinta Aakhiro Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha .Inta Aduunyada Guudkeeda la joogana lagu xusi doono taariikhdooda .

Mar kale,waxaa marag cad looga dhigayaa guul darrada Maayarka Gabiley u haysto guusha, in furitaankii Shirka Sharciga Baal marsan ee laaluushka iyo boobka hantida umada lagu Xalaalaystay, iyadoo Maayarka Gabiley ka sheegay in uu Qabtay Kalfadhigii 15Aad,Waxaase iswaydiin mudan:- Fadhiga caadiga ah ee uu qabtay Maayarka Gabiley ma waafaqsanaa Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr 23 ? Muxuuse ku Diiday Fadhigii Aan caadiga ahayn ee ay si Sharciga Waafaqsan u soo jeediyeen Todoba Xilldhibaan oo Golaha Deegaanka ka tirsan ? Imisa Kalfadhi ayaase ka baaqday in uu u qabto Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ? Sharciga iyo Xeerarka dalku maxuu ka qabaa haduu qaban waayo  Fadhiyada caadiga ah ? Ma jiraan Wasiiro ama Madaxda sare ee qaranka oo Maayarka Gabiley gacan ku siiya ku tumashada Xeerka iyo Sharciga dalka ? Kaalin muuqata ma ku leeyihiin Wasiirada iyo Masuuliyiinta qaranku ku takri falka iyo boobka hantida umada ee Maayarka Gabiley ku kacay ? Fadhiga Caadiga ah ee Maayarka Gabiley furay ma noqon doonaa mid Labaatanka Maalmood ee Sharcigu Dhigayo sidiisa u socda ?

Ball Aynu Dull joogsanno,Qodobada Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka ee Xeer Lr 23, Sheegaya Xill ka qaadista Maayarka iyo Ku Xigeenka Qodobadiisa 2.3.4.9.

2; Xil ka qaadista Duqa ama ku-Xigeenkiisa ama labadooda oo wada jir ah waxaa soo jeedin kara Saddex meelood meel (1/3) xubnaha Golaha Deegaanka, iyadoo qoraal sababaysan u soo gudbinaaya Duqa oo ku qaban doona shir aan caadi ahayn muddo (3) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta maallinta uu soo gaadhay qoraalku waxaana nuqulo la siinayaa Gudoomiyaha Gobolka iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

3; Haddii uu Duqu uu ku fulin waayo qabashada shirkaas aan caadiga ahayn muddada ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan, waxaa xilkii qabashada shirkaas fulinaya Gudoomiyaha Gobolka oo muddo 5 cisho gudahood ah ku qaban doona shirka taas oo ka bilaabmaysa dhamaadka 3dii cisho ee hore.

4; Duqa ka baaqsaday fulinta qabshadii shirkana wuxuu mutaysanayaa ciqaab gaadhi karta waayitaanka xubinimada sida ku xusan Q. 26aad ee xeerkan.

5; Haddii laysku qabto sifaha sharci ee xilka qaadista Duqa iyo ku xigeenkiisa waxa xalinta murankaas u xilsaaran go’aana ka gaadhi kara iyaggoo u eegaya sifaha sharci ee xeerkan, guddida joogtada ee golaha deegaankaas, haddii ay ku guuldaraystaan ama ay ku dhamaan waydo waxaa loo gudbinayaa Guddoomiyaha gobolka iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Waxaa hubaala in Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka Xeer Lr 23 uu si cad u qeexayo in Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi sharci ahaan qabashada Fadhigii ay soo dalbadeen Todobada Xilldhibaan wado kale oo sharciga waafaqsan oo u banaanna aanay jirin,

Inkastoo ay u Suurto gashay Maayarka Gabiley in uu Awooda Laaluushka ku kasbado Laba ka mida Xilldhibaanadii mooshinka Xillka ka qaadista keenay ee Todobada ahaa .

Isku soo wada duuboo,waxaa marag ma doona in Madaxwaynaha S/land Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamad Kaahin Axmed Ay Qaadan doonaan Masuuliyada  Musuq maasuqa iyo ku tumashada Xeerka iyo Shuruucda Dalka ee uu caadaystay Maayarka Gabiley .     

 WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS