Waxa Qaarada Africa Ku Ayaan Daro ah, In Qaadhaan Aduunyada Looga Ururiyo Iyada Oo Ah Qaaradaha Aduunka Ugu Qanisan.! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxa Qaarada Africa Ku Ayaan Daro ah, In Qaadhaan Aduunyada Looga Ururiyo Iyada Oo Ah Qaaradaha Aduunka Ugu Qanisan.!
July 19, 2018 - Written by Editor:

Dalka Switzerland waa wadanka la dhigto baanankiisa lacagaha lagu dhaco qalinka ee madaxda aduunku xado, ha u badnaadeen kuwa afrika e, waxaana jira wadamo badan oo kale oo aduunka ah oo lagu qarsaday hantidii iyo dhaqaalihii Afrika.

Haddaba waxa bilaabantay in wadamo dhawr ah oo afrika ah ay lacagtoodii laga dhacay ka soo ceshadeen markii ay la xidhiidheen dawlada Switzerland iyo hayadaha aduunyada ee la dagaalanka musuqa iyo waliba baanka aduunka iyo hay’ada lacagta aduunka.

Maxamed dhimbiil

Waxa dhowaan tagey dalka Switzerland saxafiyiin u dhashay wadanka Ghana waxa ay xaqiijiyeen in ay jiraan xisaabaha baanan ka furan ( bank accounts ) oo ay leeyihiin madaxdii afrika soo martay oo ka badan 400 madax african ahi ay ku leeyihiin wadanka Switzerland kuwaasi oo magacyada caruurtooda, bodyguardooda iyo eheladooda ku qortay.

Sanadkii 2016kii ayaa ay sheegeen Switzerland iyo baanka aduunku in loo soo celiyo dadka Nigeria lacag dhan 321milyan oo dollar oo uu dhigtay hogaamiyihii hore ee colonel sani Abacha, ee dalkaa haystay 1993 ilaa 1998, waxaana ay ka mid ahayd lacag 2.2Bilyan ah oo la sheegay in uu dalkaa ka dhacay Abacha.

Horaantii sanadkan aynu ku jirno ayuu danjiraha dalka Nigeria u fadhiya dalka Switzerland cadeeyey in ay isla qaateen in lacag dhan 1.2bilyan lagu celinayo dalka Nigeria oo laga soo dhacay, taasina waxa ay ku timid dedaalka madaxweyne mohamodou Buhari ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxa uu intaa raaciyey in ay hore sanadkii 2005tii Switzerland Nigeria ku celisay lacag dhan 722milyan iyo mar kalena ay soo celisay lacagtii loo haystay Sani Abacha qayb ka mid ah oo ahayd 321milyan.

Wadamada kale ee lacagaha laga dhaco Africa iyo aduunyada kaleba la dhigto waxa ka mid ah wadanka Luxemburg, UK, USA, Caribeans, Belgium iyo France iyo wadamada carabta qaar ka mid ah iyo waliba baananka wadamo kale oo badan.

Qaaradan Africa waxa kaga maqan sida ay sheegeen xeeldheerayaasha dabagala hantiyaha la lunsado lacag boqolaal bilyan ah oo baananka aduunka yaalla, oo Africa laga xadey, waxa kuu soo baxaysa in ay Africa uu naafeeyey musuq iyada oo ah qaaradaha ugu khayraadka badan aduunka ayey tahay hadana qaarada ugu saboolsan.

Waddamada aad dhaqaalohooga loo dhacay waxa ugu badan wadamada Galbeedka Afrika ee leh macdanta iyo shidaalka, waxa iyaguna ku jira wadamada Kenya, Congo Zaire, Angola iyo qaar badan oo kale, waxa iyagu ay bilaa xisaab tahay xatooyadoodu wadamada ay haystaan kali taliyayaasha badankoodu iyo wadamada carabta ee waqooyiga Africa.

Waxa aan ka madhnayn wadamada lacagahooga la dhacay ee ay yaalaan baananka Switzerland iyo Dubai waa wadamada bariga Africa oo waliba kaalmaha hore kaga jira 100ka ugu horeeya aduunka 188dal oo lacagahooga la lunsado. Waxa isaguna ku jira dalka koonfurta Africa sida ay xaqiijiyeen NGO musuq maasuqa la dagaalama oo koonfur africa ah iyo sida uu qorey website ka African Updates.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayey ahayd markii ay baahisay warbaahinta ingiriisku in baanka HSBC laga helay xisaabo lacago badani ku jiraan oo laga dhacay dalka koonfur Africa kuwaas oo lala xidhiidhinayey Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Jacob Zuma iyo qoyskiisa.

Madaxweynaha dalka Kenya Mr Uhuru Kenyata ayaa sheegay dhowaan in ay la dagaalami doonaan musuq-maasuqa naafeeyey dalka kenya mudada dheer, hadalkiisu waxa sababay markii sanduuqa dhalinyarada dalka kenya laga dhacay lacag 100 milyan oo dallar ah, oo ilaa maalin dhaweyd ay baadhitaanadeedii cidii ku lug lahayd iyo baanankii la dhigtay lagu gudo jirey.

Musuq-maasuqa ayaa ay dunidu isku waafaqsan tahay in uu yahay arimaha ugu waaweyn ee dawladnimada ragaadiya, cadaalad darada abuura, ee u cadawga ah horumarka uu aadamuhu gaadhi lahaa marka ay isku tashadaan qaran ha ahaadaan ama qoys ha ahaadeene, waana mid ay meel adag ka taagan yihiin wadamada u diyaarka ah in ay horumar gaadhaan.

Dhawaan bay ahayd markii dacwada musuq-maasuqa lagu soo oogay Raisal wasaarihii hore e ee Malaysia iyo saraakiil iyo madax wadankaasi ah iyaga oo aan xafiiska ka sii maqnayn mudo bil ah, waxyaabaha ay doorashada ku waayeena ay ahayd horumar la’aan iyo musuq-maasuq.

Gebogebada qoraalkayga waxa aan ka madhnayn wadamada lacagahooga la dhacay ama sifooyin khaldan loo isticmaalay wadamada Geeska Africa ee ay ka mid yihiin Somaliland iyo Somalia, waliba ha sii darnaato Somalia oo aan cidiba waxa isweydiin 30kii sanadood ee ugu dambeeyey oo aduunkana lagaga soo qaato lacago mucaawimooyin iyo dib u dhiska dalka ah, kuwaasi oo ilaa maanta lagu sugi kari laayahay amaanka muqdisho.

Somaliland waxa ay u baahan tahay in la sameeyo ama la dardar galiyo komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa iyo waliba Hay’adaha madaxa banaan ee dawlada ee ku shaqada leh ilaalinta hantida qaranka sida xafiiska Hantidhawraha guud ee qaranka iyo waxii kale ee khuseeya maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqa iyo waliba sidii ay u soo heli lahayd hadii ay jirto hanti qaranka laga dhacay oo taalla baananka aduunka iyo kuwa dalkaba.

Ilaahay baa mahad leh

Nebi Muhamed baa sharaf leh scw

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS