Daawo: Taariikh Nololeedkii Ale Ha U Naxariistee Marxuum Wariye Yoonis Cali Nuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Taariikh Nololeedkii Ale Ha U Naxariistee Marxuum Wariye Yoonis Cali Nuur
July 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa Cisbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Britain xalay ku geeriyooday rug cadaa saxaafadeed Alle u ha u naxariisto Yoonis Cali Nuur oo in ka badan 30 sano ka tirsnaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda.

Ale ha u naxariistee Wariye Yoonis Cali Nuur waxa uu dhashay 1952-kii, waxaana uu ku dhashay Degmada Farawayne, waxana uu warbaahinta ku jiray mudo dhan 45 sano, waxa uu shaqadii ugu horaysay ka bilaabay Radio Muqdisho ka dibna waxa uu 1993 ku biiray laanta Afka Soomaaliga ee BBC, Yoonis Cali waxa uu shaqada BBC joojiyay 4sano ka hor waxa uuna la taliye u ahaa Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Alaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur waxa uu ifka uga tagay Shan hablood, saddex wiil iyo laba Xaas.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

https://youtu.be/mWqIvx8l79o

 

COMMENTS
LINKS