“27 Sanadood Siyaasiyiinta Muqdisho Waxay Sharxi Kari La’Yihiin Waxay Uga Jeedaan MIDNIMADA Soomaaliyeed”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“27 Sanadood Siyaasiyiinta Muqdisho Waxay Sharxi Kari La’Yihiin Waxay Uga Jeedaan MIDNIMADA Soomaaliyeed”Cali Guray
July 20, 2018 - Written by Editor:

ALLA QABAY AFKANA WUU YAQAAN WAANA KA AGNAANE.

27 Sanadood Siyaasiyiinta Muqdisho Waxay Sharxi Kari La’yihiin Waxay Uga Jeedaan MIDNIMADA Soomaaliyeed. Qofku Wixii Aanu Sharxi karayn Macnuhu Waxa Weeye Isaga ayaan fahamsanayn. Dabcan Qofku wixii Aanu Isagu faham sanayn cid kalena uma sharxi karo. Marka aynu midnimada soomaaliyeed Sideeda u qaadano waxay noqonaysaa shantii soomaaliyeed oo dawlad keliya noqda taas oo ah riyadii Somaliwayn. Hadii ay sidaa tahay ma aqoonsana dawladnimada Jabuuti. Soomaalida Itoobiyana inay iyagu go’aankooda yeeshaan way ka soo horjeedaan Soomaalida Kenya laftoodana waa sidaas oo kale. Markaa Somalilandna kama duwana soomaalida kale siyaasiyiinta Muqdisho ay dafirsan yihiin xaqa aayo ka tashigooda. Mawqifkooduna waa kii lixdankii ay ku riyoodeen dadka Somaliland oo ka fog sida ay maanta xaqiiqada soomaalidu tahay. Hadii aynaan sideeda u qaadan waxay uga jeedaan midnimada soomaaliyeed ee af soomaaligooda qaldan u saxno waxay laga yaabaa inay u jeedaan israacii aan shuruuda lahayn ee Somaliland ay kula midawday Somalia 1dii Julay 1960kii. Hadii ay sidaa tahay 31kii sanadood ee midnimadaasi jirtay iyo wixii dhacay oo dhan ma laha xagooda wax ka soo qaad. 27 sanadood wax ka badan oo ka dambaysay Somaliland iyo Somaliyana ay run ahaantii laba dal oo aan midna ka kale xukumin ee kala madaxbanaan ay ahaayeena way dafirsan yihiin. Inta ay sidaa tahay wadahadal kasta oo Somaliland iyo Somaliya dhex maraa wax natiijo ah oo ka soo bixi kartaa ma jirto. markaa goorma ayay ogaanayaan inay laf toobin ku hayaa. Masiirka Somaliland waxa ka talin kara kuwii shalay ka taliyay ee ogolaaday in bilaa shuruud ay ku raacaan Somalia.

Maanta kuwii maaha kuwii shalay oo diyaar uma aha tii shalay tu kale oo ka duwanna ma jirto ee waa midnimadii lixdankii baa ku qasban tihiin, waa hadii midnimada soomaaliyeed waa muqadas ay uga jeedaan israacii aan shuruudda lahayn ee lixdankii Somaliland ay kula midoowday Somalia. Hadaba inta aanay iyaguba fahmsanayn waxay ka hadlayaan cid kaleba ma fahmi karto. Markaa siyaasiyiinta Somaliya marka hore iyaga ayaa loo bahan yahay inay fahmaan waxay doonayaan si loo fahmi karo. Hadii kale oo ay ku filan tahay midnimada soomaaliyeed waa muqadas ha ku filaato bal inay helaan cid ka hoos qaadda. Hadii kale waxay u baahan yihiin macalimiin af soomaaliga u dhigta eh ha soo dalbadaan in laga caawiyo ceeb maaha in la baro af soomaali la fahmi karo eh. Hadii la fahmo waxay uga jeedaan midnimada Somaaliyeed markaa waxa laga Wada Hadli karaa Wax la Garanayo.

 

QALINKII; CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS