Axmed Yuusuf Yasiin oo Ka Hadley Kulankii Farmaajo Iyo Faysal Cal Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Axmed Yuusuf Yasiin oo Ka Hadley Kulankii Farmaajo Iyo Faysal Cal Waraabe
July 21, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, Shirkii Brussles, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Saami qaybsiga wakiilada, Shirka Ceel-afweyn iyo qodobo kale.

 Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa oo wax laga waydiiyay sida uu arko ka qayb galka Shirkan Brussles ee Faysal Cali Waraabe iyo Prof: Cali Khaliif Galaydh ayaa waxaa uu yidhi ” Marka xubno inaga midi ahi meel tagayaan, waxa haboon inay ku tagaan talo qaran, oo aan laga bixin khariirada qaranka, si aanay inooga noqon docfaruur qof walba meesha uu doono maro, taasina waa arin iyaga khuseeysa, balse Somaliland anigu waxaan u soo jeedinayaa Axsaabteeda iyo haykalkeeda qaranka ee ka kooban Barlamaan, Garsoor iyo Fulinba, inuu arinkeedu ka fulo meel kaliya, oo aynaan is barbar yaacin.”

 

Source:- Geeska

 

COMMENTS
LINKS