Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Taageeray Go’aankii Uu Ka Qaatay Faysal Cali Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Taageeray Go’aankii Uu Ka Qaatay Faysal Cali Waraabe
July 21, 2018 - Written by Reporter:

London (WJN)- Guddoomiyihii hore ee gobolada Gabiley, Sool, Awdal iyo Maroodijeex Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii madaxweyne Muuse Biixi la doortay si weyn ugu hambalyeeyay hadalkii uu maanta Mudane Muuse Biixi ku daadafeeyay socdaalkii Faysal Cali waraabe uu kula kulmay Farmaajo.

Siyaasi Mustafe Shiine oo u waramayay Shabakada Wajaalenews.net oo arrintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “hadalkii maanta ee madaxweynuhu wuxuu ahaa mid i tusay inuu jiro Muusihii aan saadaalin jiray “.waxa isagoo Mustafe Shiine hadalkiisa sii wata uu yidhi “boqolkiiba boqol ayaan ku raacsanahay madaxweynaha in qaranimada dalkani loo soo huray wax ka weyn dhaqaale oo naf iyo duunyaba leh oon maanta dib loo helay “.

Mustafe Shiine waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “waanu kula qabnaa madaxweyne mucaarid iyo muxaafidba in aan qaranimada Somaliland la siisan sandareero, isla markaana laga ilaaliyo wax kasta oo dhaawici kara qanimada Somaliland “.

Gudoomiyihii hore ee Afarta gobol waxa uu kaloo uu sheegay in loo baahan yahay inaanu aqbalin dadka caqligiisa caayaya ee uu Faysal Cali Waraabe ka mid yahay ee isu dhigaaya inuu indho iyo caqliba u yahay oo uu asturaayo god daloolooyinka madaxweynaha, “Madaxweyne horgalnimada Faysal Cali Waraabe iyo ragga la midka ah ee ay ka mid yihiin kuwii Garoowe tegay waxay cay ku tahay meeqaamkaaga iyo xilka ummaddani kugu aamintay waxayna kaa bixinaysaa sawir xun oo aadan u qalmin, sidaa daraadeed waxa aan kuu soo jeedin lahaa in aad Faysal ka qaadatid go’aan rasmiya, islamarkaana aad uga digtid inuu isku dayo inuu maroorsado awoodaada oo uu qarankan ku metelo fagaare aan ku haboonayn “.

Sidoo kale waxa Mustafe Shiine uu dhaliilay qaabkii wasiirkii hore ee Warshadaha uu isu soo qadimay ee uu damcay inuu u jawaabo gudoomiyaha xisbiga Wadani oo ay masuul shahaadad u haysta inuu soo bandhigo dhaliilaha madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ee aanu isagu ka jawaabi karin marka heerkaasi ay dhaliishu u dhigan tahay, keliya cida ay tahayna inay ka jawaabtaa ay tahay madaxweynha iyo ragga uu u igmaday inay la hagaan siyaasada qaranka.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS