Magaalada Hargeysa oo Lagu Soo Bandhigay Buugga Murti iyo Mahadhooyin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Hargeysa oo Lagu Soo Bandhigay Buugga Murti iyo Mahadhooyin
July 21, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigay buugga Murti iyo Mahadhooyin oo uu qoray Ambassador Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”. Ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ka qabsoontay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay, Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Abwaano, Salaadiin, Qoreyaal, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraaga buugga Murti iyo Mahadhooyin oo madasha hadal ka jeediyey ayaa tibaaxay in uu buugga qoray muddo 18 sanno ah ka hor, laakiinse uu sheegay in ay hadda u suurto gashay in uu buuggu ifka u soo baxo, Wuxuuna dhallinyarada u soo jeediyey in intii karaankooda ah ay ka qayb-qaataan weelaynta dhaqanka iyo suugaanta.

Buugga Murti iyo Mahadhooyin oo ka kooban 5 cutub wuxu sawir wanaagsan ka bixinayaa dhaqankii iyo noloshii hore ee Somalida, tusaale ahaan sidii golaha looga baani jiray, sidii guurka iyo haasaawuhu ahaan jireen, sidii colaadaha loo maarayn jiray, sidii garta loo niqi jiray iyo arrimo kale oo badan ayaa laga dheehanayaa.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS