Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay Arrimaha Xajka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Khaliil iyo Wasiir Sacad oo ku fashilmay Arrimaha Xajka.
July 21, 2018 - Written by Reporter:

Sidaynu la socono Jamhuuriyada Somaliland lama aqoonsan balse waa dal jira oo madaxbanaan.Sidaa darteed geedi socodka dawladnimo iyo hawlaha dalka waxa hogaanka u haya hadba xukuumada dalka ka Talisa.

Sida Rabi inagu waajibiyay qof wal oo muslim ahi noloshiisa waa inuu mar soo gutaa xajka hadii uu karayo caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba.Ayaamahan waxaynu ka war haynaa Farmaajaha Xamar inuu amar ku soo rogay sharkadaha dayaaradaha ee xujaajta qaada kuna jirto xujaajta JSL.

Markaan arrinkaa maqlay waxaan idhi(Iska hadlow ina igire).Waayo,waxan rumaysnaa xukuumada JSL inay qorshe ka leedahay wax kasta iyo siyaasad kasta oo lid ku ah JSL oo dalkaa aynu jaarka nahay inagaga iman kara.Se maanta waxa ii cadaatay haba yaraatee inaan shax ba aanay xukuumada maanta jirtaa ka yeelan,hada qabsoo khamiis walba Fulintu shir ayay madaxtooyada ku yeeshaan!

Waa arrin fool xun oo wiiqaya jiritaanka JSL.Fulinta JSL hawlahu way u kala soocan yahiin oo mid waliba hawl ayuu uga masuul yahay qaranka.Arrinka xujaajta JSL guud ahaan Fulinta ayaa ka masuul ah gaar ahaana Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Maareeyaha Civil Aviation ka ayaa ka masuul ah.Sidaynu la wada socono xujaajta JSL waxay u xayiran yahiin amarkii Farmaajo,waana ayaan darro in dal kale inalaga maamulo.

Maanta caqabadaa ina hor taala waxa ka masuul ah saddexda masuul ee aan kor ku xusay waanay ku fashilmeen.
Waxan ku soo afmeerayaa:Doorba kaan u dhiibaa inuu duubka la anbado waa dhaxal dabiici ah(AHN Gariye).Maahmaah Somalilander ahina waxay tidhaa(Madax muuqda iyo Mindi saawir ah midna lagama quusto).

Hussein Hassan Badmah
Hargeysa/JSL

COMMENTS
LINKS