Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta oo Hargeysa Ka Furmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bandhiga Caalamiga Ah Ee Buugaagta oo Hargeysa Ka Furmay
July 21, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka furmay bandhigga caalamiga ah ee buugaagta oo sanad waliba lagu qabto Somaliland.

Qabanqaabiyayaasha bandhiga ayaa waxay sheegeen in sanadkan la soo bandhigi doono 120 buug oo cusub iyo buugaag hore loo qoray.

Bandhigga ayaa waxa uu soconayaa muddo toddobo maalmood ah waxaana buugaagtooda kusoo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah iyo kuwa cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici ayaa si rasmi ah u furay bandhiga buugaata ee sanadkan, iyada oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Britain ee Somaliya Daved Concard .

Qorayaasha sanadkan lagu casuumay islamarkana buugaagtooda so bandhigi doona ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen 25 dal.

Bandhiga buugaagta ee Hargeysa ayaa sanad waliba waxaa lagu marti qaadaa dal gaar waxaana sanadkan marti ku ah dalka Ruwanda. Gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee lagu qabto bandhiga buugaagta sanad walba Dr; Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in sanadkan bandhiga diiradda lagu saari doono ereyga Xikmadda iyo murtidda ay Soomaalida lahaan jirtay.

Mr Jaamac ayaa intaa ku daray in buugaagta la soo bandhigayo qaarkood lagu daabacay dalalka Yurub kuwaasi oo isugu jira kuwa ay Soomaalida qoreen iyo kuwa Soomaalida laga qoray.

 

ban ban2

 

COMMENTS
LINKS