Waari Mayside War Hakaa Hadho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Hakaa Hadho
July 21, 2018 - Written by Reporter:

Taariikh nololeedkii Yonis Ali Nur Ahn 1952- 2018.

Yonis waxa uu ku geeriyooday 20-07-2018 dalka ingiriiska waxaana maalmaha soo socdana lagu aasi doono dalka ingiriiska gaar ahaan London.

Taariikhdan oo kooban waxa aan ka qorey Aabahay Cabdi Jamac Dhimbiil oo ay is yaqaaneen ilaa markii ay malcaamad quraanka ku jireen.

Waxaana uu iigu bilaabay Aabo, taariikhda yoonis Alle ha u naxariistee sida tan:

Marka hore waxa aan tacsi gaadhsiinayaa ehelkii qaraabadii iyo ubadkii, Somaliland iyo guud ahaan dadka afsomaliga ku hadla ee uu ka baxay yoonis Ali Nuur.

Yoonis waxa uu ku dhashay sanadkii 1952kii waqooyiga magaalada Gabiley, Waxa malcaamad quraankii laga qoray magaalada Arabsiyo oo aanu isku malcaamad aheyn malcaamadii aw ciise magan ahn.

Dugsiga hoose waxa uu ka galay Faraweyne 1961kii 1964kii, Dugsigii dhexe waxa uu ka gallay dugsigii hoyga ahaa ee cadaadlay 1964 1968.

Waxa uu galay dugsigii sare ee camuud 1968kii ilaa 1972gii, Dabadeed waxa uu galay hal sano oo shaqo qaran ah 1972-1973.

Dabayaaqadii 1973kii ayaa waxa uu ka shaqo galay Radio muqdisho.

Dhamaadkii todobaatanaadkii ayaa uu waxbarasho hal sano oo saaxafadeed ah ku soo qaatay dalka Germany.

Waxa uu ka mid noqday madaxdii wakaaladii wararka ee soomaaliya ee la odhan jirey SONNA.

 

Sanadkii 1983kii Yonis Ali Nuur Alle ha u naxariisto e waxa uu ka shaqo galay idaacada BBC laanteeda afka soomaaliga oo uu ka shaqeynayey 30sanadood ilaa uu halgab ka soo galay ilaa 4 ama 5 sano ka hor.

Waxa uu mihnada saxaafada ku jirey 40kii sano, intaa ka dambeysayna kama uu fogeyn ee wuu ka ag dhawaa warbaahinta iyo saxaafada.

Yoonis cali Nuur Alle ha u naxariisto e ilaa yaraantiisii waxa uu ahaa dadka ku wanaagsan luuqadaha, Ingiriisiga, Carabiga iyo Afkeena somaliga.

Yoonis waxa uu ahaa dadka ku wanaagsan taariikhda iyo aqoonta guud ee aduunyadu soo martay.

Rabi naxariistii jano ha siiyee waxa uu ahaa shaqsi furfuran oo dabeecad wanaagsan iyo dad la dhaqan ilaahay siiyey, waxa uu ahaa dadka aan qalada waxa la yidhaahdoba lahayn.

Yoonis intii ugu dambaysay ee shaqadiisa waxa uu bixin jirey tababarka da’yarta saxaafada ku soo biirey.

Waxa aan ku xasuustaa qof bashaash ah oo furfuran oo aanad ka xiiso goyneyn in uu ahaa.

Ilaahay naxariistii jano ha siiyo.

Qalinkii: Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS