Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Fashiliyay Humaagyada Indho Sarcaadka Ah Ee Maayarku Ku Marin Habaabiyo Xukuumada Iyo Kalfadhigii Furmay Oo Maalin Kaliya Socday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Fashiliyay Humaagyada Indho Sarcaadka Ah Ee Maayarku Ku Marin Habaabiyo Xukuumada Iyo Kalfadhigii Furmay Oo Maalin Kaliya Socday.
July 21, 2018 - Written by Editor:

GABILEY (W,N) Laba Xilldhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley kana mid ahaa Xilldhibaanadii mooshinka Xilka qaadista keenay oo kala ah. Xildhibaan Axmed Siciid Kibaar Iyo Xildhibaan Iid Xasan Cabdi ayaa Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi ku Tilmaamay Masuul Xakamaha goostay oo gabi ahaanba ka Talaabsaday xayndaabka Sharciga ee Xeerka is Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr 23,Waxayna ku Eedeeyeen In uu caadaystay Maayarka Gabiley Sharci jabin iyo Musuq maasuq baahsan uu ku kacay,iyagoo Fadhiga caadiga ah ee Maayarku furay ku tilmaamay Mid Humaag ah isla markaana  indho sarcaad ah oo Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi iyo Bulshada G/Gabiley lagu marin habaabinayo .

EEDA XILDHIBAANO REER GABILEY AH

Waxaanay sidaa ku sheegeen Qoraal ay sida wada jir ah usoo saareen oo nuqul kamid ahi soo gaadhay xafiiska War Qabadka Shabakada Wajaalenews.net;

Xilldhibaan Axmed Siciid Kibaar,oo hadalka ku horeeyay waxuu ku tilmaamay in Fadhigii Maayarku furay ahaa mid Sharciga baalmarsan,isla markaana Maayarku uu ku daadafaynayay Mooshinkii Xillka qaadista ahaa ee Todobada Xilldhibaan u gudbiyeen sida ku cad Xeer Lr 23 ayna u banaanayn wado kale oo sharci ah uu uga wareegaa qabashada Shirka aan Caadiga ahayn aanu jirin,waxaanu Xilldhibaan Axmed Siciid Kibaar carabka ku adkeeyay Qodobka 66 ee Xeer Lr 23 faqradiisa 4 Aad oo u dhigan sidan:-

Maayarka gabiley ee ka baaqsaday fulinta qabshadii shirka Aan Caadiga ahayn ee Xilldhibaanadu soo codsadeen wuxuu Mutaysanayaa ciqaab gaadhi karta Waayitaanka xubinimada sida ku xusan Q. 26aad ee xeerkan.

Mar kale,Xilldhibaan Axmad Siciid Kibaar  oo Hadalkiisa sii wata waxuu ku bilaabay Qodobo Sharciga ee Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka  Xeer Lr 23 QODOBKA 103’aad. Faqradiisa 1 Aad Awoodda iyo Waajibaadka Dawladda Dhexe ku leedahay Golaha .

 Maamulka Golahu wuxuu ka mid yahay maamulka xukuumada wuxuuna toos u hoos imanayaa Wasaradda Arrimaha Gudaha. Isagoo Xilldhibaan Axmad Siciid hoosta ka xariiqay in Maayarka Gabiley aanu qaban Fadhiyada Caadiga ah ee Golaha Deegaanka,isagoo Maayarka Gabiley muddo 3sano iyo Afar bilooda uu xilka hayay qabtay 4 Fadhi oo caadi ah waxaanu ku mutaysanaya Xilka qaadis sida ku cad Xeer Lr 23 Qodobkiisa 66 Aad Faqradiisa 1 Aad Xarafkiisa ( G ) XIL KA QAADISTA DUQA IYO KU-XIGEENKIISA .

  1. Duqa Degmada iyo ku-Xigeenkiisa waxaa xilka lagaga qaadi karaa marka ay ku sifoobaan oo ay ku cadaadaan sababaha soo socda ee hoos ku qoran.
  2. Hadduu qaban waayo duqu kalfadhiyada ama shirarka Golaha uu waajibiyay xeerkan.

Xilldhibaan Axmad Siciid oo hadalkiisa sii wata waxuu yidhi “Wasaarada Arimaha Guduhu u fasaxday in uu siduu doono yeelo mana aha markii koowaad ee Fadhi Caadi ah oo Maayarka Gabiley furo Maalin kaliya ku soo gabagabeeyo isagoo uga jeeda in uu Humaagyo indho sarcaad ah Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi iyo Bulshada G/Gabiley ku marin habaabiyo.Xilldhibaan Axmed  waxuu intaasi kusii daray Fadhiga Caadiga ah waxuu Sharcigu dhigayaa in muddo Labaatan Maalmood socdo iyadoo la qorayo Afkaarta Xilldhibaanada ka qayb galay Fadhiga iyo Minits uu Shirku socday.Balsé Nasiib darro waxuu Maayarka Gabiley ku soo koobay mid Maalin kaliya socda oo Maalin Khamiis ah Furma Maanta oo Sabti ahna aan halkii laga soo qaadin,waana mid marag cad u ah Maamul xumada iyo hogaamin xumada baahsan ee Maayarka Gabiley ku keenay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley .

Sidoo kale,Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi ayaa Shirka Maayarka Gabiley furay ku tilmaamay mid Sharciga baalmarsan oo uu ku marin habaabinayay Mooshinkii Xillka ka qaadista ahaa ee Todobada Xilldhibaan u gudbiyeen,waxaanan marag cad uga dhigayaa in Shirkii Maayarku furay Maalin kaliya ku soo gabogabeeyay,isagoo Xilldhibaan Iid ugu baaqay Wasaarada Arimaha Gudaha in ay gudato Waajibaadka Sharci ee Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka Xeer Lr 23 Qodobkiisa 98 Faqradiisa koowaad oo u dhigan sida :- QODOBKA 98’aad.KORMEERKA IYO BAADHISTA.Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh kormeerka iyo baadhista Hantida, shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka.

 

Labadan Xildhibaan ee Golaha Deganka Gabiley ka tirsan ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha ugu baaqay in ay gudato waajibaadka Sharci ee ka saaran Maayarka Gabiley ee Xakamaha goostana kuna qaadan danbiyada Xeer Jabinta iyo Musuqmaasuqa  iyagoo waajib gaar ahi ka saaran yahay ku dhaqanka iyo fulinta Sharciga iyo Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka .

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS