Wasaarada Shoqo Galinta Somaliland oo Qabatay Kulan Hawleed Lagaga Doodayay Samaynta Xeerka Hawlgabka Shaqaalaha Waayeelka Ah Ee Dawlada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Shoqo Galinta Somaliland oo Qabatay Kulan Hawleed Lagaga Doodayay Samaynta Xeerka Hawlgabka Shaqaalaha Waayeelka Ah Ee Dawlada
July 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland ayaa waxa ay maanta kulan balaadhan oo lagu gorfaynayo samaynta xeerka talax gabka shaqaalaha dawlada ee Waayeelka ah ku qabatay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo soconaya mudo laba cisho ah, islamarkaana lagu gorfaynayo dhamaystirka siyaasada iyo Xeerka hawlgabka qaranka oo loogu tala galay sidii Shaqaalaha waayeelka ah ee sanadaha badan u soo shaqaynayay qaranka xiligan loo nasin lahaa una heli lahaayeen guno joogta ah oo kaafida noloshooda, Islamarkaana loogu bedeli lahaa shaqaale Da,yar, Si meesha ay uga baxdo habacsanaan soo food saarta shaqaalaha ku foogan shaqo maalmeedka shacabka loogu shaqaynayo.

Sidoo kale Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada ayaa waxa qayb ka ahaa, Madax iyo Masuuliyiin ka socda Hay’adda Shaqaalaha, Maamulka sare ee Wasaaradaha dalka iyo Hay”addaha kala duwan ee Dawliga ah.

Ugu horayn waxaa sharaxaad ka bixiyay ujeedka shirkan iyo duluucda gaar ahaaneed ee dhamaystirka xeerkan Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo Gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS