Qiimeyn Ka Fog! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiimeyn Ka Fog!
July 22, 2018 - Written by Reporter:

Marka hore qiimeynta waa la sameeyaa, hab fiican oo qurux badan oo sugan oo fasaxan baa loo sameeyaa. Haseyeeshee, arrintan ay sameysay.

Baryahan dambe waxaan warbaahinta bulshadu ku xidhiidho, Social Media-ha, aan ku arkayay urur la yidhaahdo Qaran-Kaab oo dadka usoo bandhigayay warbixino ay ku sheegeen inay uga danlahaayeen inay ku Qiimeynayeen waxqabadka Wasiirada dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba waxaan doonayaa inaan arrintan ka hadlo waayo waxay igu dhalisay dareen sasleh.

Marka hore qiimeynta waa la sameeyaa, hab fiican oo qurux badan oo sugan oo fasaxan baa loo sameeyaa. Haseyeeshee, arrintan ay sameysay shabakaddan qaran kaab waa arrin anshaxa ka baxsan. Waayo? Qaran kaab may caddeyn cidda u diratay Qiimeyntan. May sheegin in wasaaraddi u diratay, wasiir u diray ama meel ay dawladdu ku dalbatay in qiimeyn lagu sameeyo wasiiradda waxqabadkooda ama shaqaalaha dawladda JSL. Wali maan arag wax tixraac dawladeed ah sida “Referrence, Citation, ama degreeto wasiiro ama video warbahineed” oo dawladdu ku baahisay in lagu sameeyo qiimeyn waxqabadka wasiiradda sharafta badan dawladda. Waxaan u arkaa in ay tahay arrin ay sameeyeen Qaran kaab iyo dadka ku lugta leh. Haddaba, arrintani waa arrin xasaasiya oo khatarteeda leh oo aan laga fiirsanin. Waa arrin wajiyo badan leh oo isweydiin teeda leh. Su’aalaha maskaxdayda kusoo dhacay markaan arkay arintan waxa ka mid ahaa: yaa amray in la sameeyo Qiimeytan? yaa ka dambeeyey? Yaa fasaxay? Waa maxay baahida loo qabay qiimeyntan? Ma haayad ayaa ka dambeysay oo maalgelisay mise gacan shisheeye? Jawaabtu waxay noqotay: Mooyi.

Sideedaba, Qiimeyn marka la sameynayo “Survey” ama  Cilmi Baadhis “Research” waxa jira nidaam cad oo loo qaado oo leh qodobo gun dhig u ah Qiimeynta, “Basis of Evaluation”.Waa inay jiraan waxyaabaha la qiimeynayo ee la eegayo “Factors of Evaluation” waxayaabaha waxqabad- koodu ka siman yahay ama uu kukula duwan yahay “Similarities and Differences of the Evaluation”. Kama hadlayo nidaamka ama sida loo qaado qiimeynta. Haseyeeshee, aan usoo daadego ujeeddadayda,Somalidu waxay tidhaa intaanad falin ka fiirso. Qiimeyn marka lagu sameynayo saraakiisha dawladda ama laamaha dawladda, dadka sameynayaa waa in ay fasax “Permission” u heystaan hawsha ay qabanayaan marka hore. Fasax la’aan la iskama sameyn karo haba yaraatee. Intaad buug iyo qalin soo qaadato oo tiraahdo Wasiirada dawlada Waxqabadkoodaayaan qiimeynayaa waa khalad! Khalad uun maaha waa gef laga galey dawladda. Waa in ogolaansho la weydiisto wasiirada sawiradooda iyo magacyadooda oo buuxa lagu daabacayo qiimeynta waayo macadda wuxu inay yihiin wax cad (Legit) iyo inkale. Iskama odhan kartid, wasiirkani oneka ayuu galay oo wuu fiican yahay kana wuu dhacay oo wuu xun yahay. Horta intaanad shaqadaa qaban Professional License la kaalay adigu, dabeedna fasaxna weydiiso dawladda, “You should get permission or Authorization to do the job first”. Waliba, dadka wax qiimeynayaana waa inay noqdaan dad Academic ah oo professional ah oo aqoon leh, sharcina u heysta qabashada hawshan oo kale. Nidaamka ay wax u qiimeynayaan “Survey taking process” waa inuu noqdaa wax la hubiyey”Authenticated”. Hadday tahay habka codeynta loo qaadeyo, xalaalnimada “Legitimacy”, si looga fogaado musuqa “Corruption” wax iskaga guridda. Intaasi midna may sameyn qolada qiimeynta sameysay.Markaa waa khalad waxan ay sameeyeen. Gar wax loogu leeyahay inay xaal kasiiyaaan wasiirada ay qiimeyntooda hoosta galiyeen.

Anigu, si kale ayaa baan u arkaa qiimeyntaas, waxaan u arkaa dadka waxan soo abaabuley in ay meel kaga dhaceen qaranka oo ay fulinayeen arrimo siyaasadeed. Sababtoo ah hawshani waxay u muuqataa inay ahayd laba mid midkood uun; 1.Identity Theft. 2. Ignorance (wax ay aqoon la’aan darteed u sameeyeen, tan iska dhaaf).Ta hore uun aan ka hadlo, Identity theft,waxay u muuqataa in ururkan waxan soo abaabuley ayxadeen macluumaadka dadka sida magacaaga, da’daada, telefankaaga, dhalashadaada, meesha aad joogto, iwm. Waayo may jirin baahi loo qabay wakhtigan in la qiimeeyo wax. Wasiiradu waabay cusbaayeen oo sanad uun iyo wax bay xilka hayeen, waxqabadkooduna sidaa umasii buurna oo waa la ogyahay. Laakiin, what is the cause of this evaluation at this time?Qiimeynta sanadaha ugu dambeeya mudo xileedka dawladda ayaa ku haboon in la sameeyo, laakiin wakhtigan munaasibba ma ahayn, ee meesha wax kale ayaa kujirey, waxay u muuqataain targetku ahaa helitaanka macluumaadka shacbiga“Identity Theft”. Macluumaadkaa ay ururiyeen siyaabo badan baa loo adeegsan karaa hadhow. Tusaale ahaan, magacaaga ama personal information, ama waxa la yidhaahdo PII (Personal Identifiable Information) waxa lala tagi karaa bangiyadda, ama xawaaladaha lacagaha la isku diro ayaa loo adeegsan karaa, oo lacag amaah ah ayaa lagaga qaadan karaa inta formka lagu buuxbuuxiyo information kaaga. Kadibna, iyagu wey baxsanayaan, bankigu hadhawto  qofkii magacan lahaa iyo telefankan ayuu raadinayaa ileyn waa magacagii iyo telefankaagii iyo meeshaad joogtaye, policeku hadhaw aduu kusoo qabanayaa. Waayo telefankaaga shirkadda bixisay ayaa ku og inaad adigu leedhay oo kugu markhaati furi. Policekuna wuu ogaan karaa inaad adiga tahay qofkan macluumaadka iyo telefankaa leh inaad tahay.Sidoo kale, dambi ayay gali karaan tuugtu markaasay sheegayanaan magacaaga oo dambi aanad gelin ayaad dusha u ridan. Tusaale ahaan, argagixisada ayuu lacag ugu diri karaa intuu magacaaga aadeegsado, dabeedna Maraykan baaba ku qabsan oo dhoofi kari maysid!!!! Markaa waa wax khatarteeda leh hawshani. Mana aha in laga qeyb qaato bilaa hubin, fasax iyo ogolaansho dawladeed la’aanteed “Authorization and Authentication.”

Dulucda maqaalkaygu waxa weeye oo aan soo jeedinayaa in la raadiyo macluumaadkii codbixiyaha codeeyey qiimeynta, si loo hubiyo macluumaadka iyo keydintiisa  “Personal Information check and Security”. Sababtoo ah waxay noqon kartaa halis hadii sixun loo adeegsado.

Waa in la raadiyo halka lagu keydiyey macluumaadka dadka (Storage Devices). Dawladda ayuu xil kasaaran yahay in ay hubiso oo sugto amniga dadka iyo macluumaadka muwaadiniinta. Sidaa daraadeed, waa in ay dawladdu dacwad u gudbiso maxkamada oo lasoo qabto dadkii qiimeyntan sameeyey si baadhitaan loogu sameeyo. Waa inay soo wareejiyaan macluumaadka (Personal Identifiable information, PII). Waa inay kusoo wareejiyaan dawladda loona dhiibo Commission ka doorashooyinka qaran.Si loo eego “Fact Check”. Loona masaxo. Waayo Commission baa  qaabilsan wixii cod iyo codbixiye kusaabsan “Vote and voter registration, for any means, not only for election”. Iyaga, commissionka, waa lagu aamini karaa data-da ama macluumaadka dadweynaha, waayo waa laan ka mid ah dawladda waana “Trusted governmental branch” laakiin laguma aamini karo dad aan khibrad u lahayn hawshan oo aan fasax u haysan oo aan meel ay kasoo jeedaan aan lagaranayn (Not unlicensed agents),sida qaran kaab oo kale, oo urursada macluumaadka dadka fasax la’aan. Maxkamadda dalka ayaa eegi doona xeerarka kiisaska lagu qaadi karo dadka xadda’ macluumaadka dadka ee sameeya “Identity Theft” ama hadiiba ay dhacdo “Data Breach” oo iyaga lagasii xado macluumaadka ay ururiyeen, oo Meesha ay soo galaan dad khatar “Sophisticated hackers” Ragga aduunyada kaga qeylisiiyey ee Baananka iyo dawladdaha waaweyn dhaca. Hadii kuwaasi kuhelaana wey kuusii dhamaatay!!!

Sidoo kale, waxaan soo jeedinayaa in Maxkamadu ama dadkii ka qaybgelay qiimeynta ay furtaan gal dacwadeed “Criminal investigation” oo baadhitaan lagu sameeyo cida sameysay Qiimeyntan, halka lagu ururiyey macluumadka, sida computer-dii la adeegsaday, Database-ka lagu gurey magacyada, telefonada, iyo emailada. Halkee lagu xafiday macluumaad, ma yahay wax sugan oo xafidan “Secured Systems”. Waayo waxa aan ka cabsi qabnaa in ay gacanta ku dhigaan dad Hackers  ah oo sixun u adeegsada dadka magacyadooda.

Intaa wax dheer oo aan soo jeedinayaa in dadkii ka qayb qaatey codbixintan ay foojignaadaan oo ilaashadaansirtooda iyo macluumaadkooda gaar ka ah. Inta goori goor tahayna aad qaado talaabooyinka aad ku hubsan karto in la xafiday magacaaga iyo akhbaarkaaga. Adoo la xidhiidhi kara shirkadda Qaran kaab oo weydiisanaya damaanad qaad “InformationAssurance”  oo xaqiijina inaanay si kale u adeegsan Karin macluumaadkaaga. Waayo way iibin karaan information kaaga. Haa, waa la iibsada magacyada dadka iyo akhbaarkooda iyadoo loo isticmaalayo ujeedooyin kala duwan. Tusaale hadaan kusiiyo, Shirkadda British ka ah ee magaceeda la yidhaahdo Cambridge Analytica, waxa lagu heystaa inay xaddey 50 million of Facebook user’s information, 50 million oo ah dadka isticmaala Facebook ee ah dadka maraykanka, sababtu ay u xaday waxay ahayd si u iibiyaan user information. Markaa sidaa yeel oo la xidhiidh oo wax hubso iminka.Hadii kale hadhawto wixii kugu soo baxa waa yeelkagaa!

Ugu dambeyn, waxaan soo jeedinayaa in la Iska hubsado waxan oo kale, oo aan la hor boodin oo loo ololeyn oo loo campain gareyn mar dambe. Ilaa wuxu ay tahay wax cad oo la hubiyey lana ogolaadey “Authorized”. Dawlada ama Wasiirada sawiradooda iyo magacyadooda lagu qadhaabtey waxay awood u leeyihiin inay dacwad ka gudbiyaan oo xabsiga ku guraan dadkii magacyadooda u adeegsadey ee ku xadey macluumaadka dadka. Markaa iska jira hawshaa mar dambe. Xubnaha dawladuna hawshan baadhitaan ha kusameeyaan. Hadii kale, fari tog dheer bay kula xushaa!

 

Walaahu Aclam.

Ahmed Siciid

 

COMMENTS
LINKS