Masiibooyinka shilalka gaadiidka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masiibooyinka shilalka gaadiidka
July 22, 2018 - Written by Reporter:

Shilalka gaadiidku Waa isku dhaca laba gaadhi iyo wax ka badan oo sababay khasaara dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba.

Soomaalilaan waxay marayaan heerkii ugu sarreyay iyo halkii ugu xumayd ma jirto  qorshe iyo hawl-gal la xidhiidha oo ay sammeeyeen haayadaha kala duwan ee dawlada iyo hoggaanka sarre  dalku.

Waxa maalinkasta taagan dhimashada, dhaawaca iyo baa’ba maaliyadeed ee joogtada ah, dadkii iyo dalkiiba waxa ka socda shilalka gaadiidka oo noqday aafada iyo dhibaatada ugu daran ee hadh iyo habeenka dhacda.

Dawladaha iyo waddamada inala midka ahi waxay leeyihiin shuruucda gaadiidka oo la adkeeyay sidoo kalena waxay leeyihiin dhakhtaro, haayado iyo cid u gaara oo wax laga waydiiyo.

Waa aqoon u baahan in la fahmo oo lagarawsado dhibkeeda iyo xalkeedaba.

Haldoorkii, sheekhii, aqoonyahankii, maskiinkii, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada qaar  badan waxa galaaftay shil gaadhi oo ku dhacay.

Su’aalaha iswaydiinta leh waxay tahay wali xukuumada ma sammeysay baroor diiq ka dhanna shilalka gaadiidka, wali xukuumada ma sammaysay ka hortag ka dhanna shillalka gaadiidka oo joogto u socda, maxaa uga qorsheysan xisbiyada qaranka ka hor tagga shilalka gaadiidka?

Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

Hotel Manager (Alloore Hotel Berbera)

Email: Farxaanmxd@gmail.com

002522634400319.

 

COMMENTS
LINKS