Tayo Darada Dawooyinka Dalka Dibada Uga Yimaada; Fariin Caafimaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tayo Darada Dawooyinka Dalka Dibada Uga Yimaada; Fariin Caafimaad.
July 22, 2018 - Written by Editor:

Waxyeelada Daawooyinka Dalka yimaada ayaa ka badan  faa,idada looga baahan yahay in aynu ka helo daawooyinka

Dawooinka  marka lasoo saarayo tayada leh waxa lagu tijaabiyaa  nooc ka mida jiirarka  waa daawooyinka ay tayadoodu aad u fiican tahay .

Daawooyinka ka yimaada dalka india chine oo tayadooda waxtar aad u hoosayso  marka la dhinac dhigo shirkadaha iyo warshadaha soo saara  daawooyinka aduunka  laga isticmaalo.

tayo darada dawooyinka

Hadaba labadan dal oo uga fa,iidaysta korodhka tirada dadkooda iyo bahiyaadka noolaleed ee ka jira waxay suurto galiyeen si tuuga ah in company soo saara daawooyinka ganacsi ee dalkooda in ay ku tijaabiyaan aadamaha ku nool dalkooda markay hubinayaan tayada daawada  taa macnaheedu waxa weeyi daawooyinkaas oo aan ahayn daawooyinkii saxa ahaa ee loo baahna.  Iyadoo shirkadaha dawooyinka dalka soo dajiyaa ay  sanadkasta  ku dhacaan dawooyin aad u badan oo ay ku wareejiyaan dawlada hoose  dawooyinkaas oo ay u dhintaan  bahidooda  daawo 100 laal Somali ah oo aan awoodin in Dawooyin ay iibsadaan caafimaad qabkooda            Dadwaynahii   soomaaliyeed  waxa ku dhacay ja hawareer waxa ay aqoon caafimaad bedeen dadkoodii dalkoodii doctor radoodii waxay nasiib  u heeleen jahawareer khal khal caafimaad  buukaan saa id oo la kulmay qalab la,aan caafimaad    tayo  daro daawooyinka dalka dibada  uga yimaada.

waxay kuyuu ugu jiraan goobahii farmasiyadii  dalka  oo sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa  ka hor burburkii dawladii  soomaaliyeed farmasiyada gobolada  dalku way yaraayeen  shaqadooda iyo maamulkoodu waxa uu ku hoos jiray  qorshaha maamulka dawliga ah  dawooyinkii dalka dibada uga iman jiray waxa ay ku jireen  gacanta  maamulkii dawliga ahaa ee waqtigaa jiray  daawooyinku waxay ku iman  jireen  dalab qorshaysan  oo laba dawladood oo leh tiraac iyo qanuun sharci  dawladeed dawooyinkaas  waxa ay ku soo dhici jireen  xarunta qaybinta  iyo keydinta daawooyinka spimo halkaas ayaa pharmasiyadana  ay ka qaadan jireen daawooyinka  farmasiyadu waxay  ku shaqayn jireen  shift duty  radio hargeisa ayaa looga sheegi  jiray dadwaynaha ku nool gobalada dalka farmasiga shaqaynaaya  habeenkaa waxa laga sheegi jiray radio hargeisa waxa  si fiican u shaqaynaayey  cusbitaalada dawliga oo habeenka la  shaqayn jiray  farmasigaa  shift shaqo u soo jeeda  farmasigaa waxa uu lahaa waraaqo furnaanta sharci  sida warqada xaashida soo eegista caafimaadka guud  xaashida  liisan ka ganacsi  warqada  ogolaanshiyaha wasaarada  caafimaadka sidoo kale aqoontiisa  caafimaad iibiyaha  daawada farmasigu waxa uu ka diwaan gashanayd wasaarada caafimaadka

Farmasigu waxa uu  only iibin  jiray oo loo  ogolaa dawooyin  xadidan oo wasaarada caafimaadka dawligu ay  maamuli jirtay

daawooyinku

manta  dalka ma jiraan  baahiyaadkii caafimaadka ee aasasiga dawliga ahaa oo qofkaan haysan  wax lacag ah oo ku daweeyo caafimaadkiisa  lacag la,aan  ma jiraan waxa inta badan la arkaa markuu waayo  daawo caafimaad dr  isaga iyo qoyskiisuba inay u dhitaan daawo la,aan  ama Dr la,aan,

ganacsiga daawooyinku waxa uu la mid yahay  taariikhdii  ganacsiga dadka ee Africa  hadaba bulshadu runtii aad bay u dareensantay dhibaatada arimaha caafimaadka maxaa dawlada uga qorshaysan  dhibaatooyinkan arimaha caafimaadka bulshada ee dadan  goorma  laga baadhi doona  tayada daawooyinka  dalka dibada uga yimaada iyo tayadooda waxtarla,aan  dekadaha dalka kaga soo daga.

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux02010@gmail.com

063 4130821

COMMENTS
LINKS