Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka Somaliland oo Faah-faahin Ka Bixiyay Qorshayaasha Horumarinta Jidadka iyo Waxyaabaha U Qabsoomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka Somaliland oo Faah-faahin Ka Bixiyay Qorshayaasha Horumarinta Jidadka iyo Waxyaabaha U Qabsoomay
July 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Hay’adda u qaabilsan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ay sheegtay inay haatan gacanta ku hayso dayactirka waddooyin muhiim ah oo isku xidha magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Arrintan ayaa waxa ay timid kaddib markii qaar ka mid ah waddooyinkaasi ay jareen duufaanadii dhawaan ka dhacay Somaliland, halka kuwa kalana ay sidooda u burbureen.

Maareeyaha Haya’dda Waddooyinka Somaliland, Cismaan Sheekh Cabdi, oo waraysi ay la yeelatay Laanta Af-soomaaliga ee idaacada BBC-du ayaa kaga hadlay qorshayaasha horumarinta Wadooyinka iyo tirada jidadka ay dayactirka ku sameeyeen xilagn ayaa isagoo arimahan ka hadlaya waxa uu yidhi sidan.” Anagu Hay”ad ahaan waxaa uu qorshahayagu yahay in aanu wadooyinka qaar dayac tirno oo kuwa cusub oo aanu ka shaqayno,Si kooban hadaan u sheego wadooyinka aanu dayac tirnay jidadka u dhexeeya Haleeya ilaa Tuulaada Macaaneeye ka tirsan dacar budhuq,waxaa keloo aanu dayac tirkooda ku jirnaa Jidadka Hargeysa ilaa kalabaydh oo maraya ilaa Arabsiyo,Wadadaasi dhibaato wayn ayaa ka dhacay labadii bilood ee u danbaysay, Shilalka ka dhacayna waxay ahaayeen 54 Shil, Waxaa kale oo bisha 8,Aad ee sanadkan la bilaabayaa Barnaamij ay maal gelinayso Hay”adda Jarmalka ah ee GS8,oo dhamaan wadooyinkaa la saari doono roog,Jidadka Hargeysa ilaa Kalabaydh Waxaanan u sugi waynay dhibaatada naf iyo maal iyo gaadiidba ee ka dhacday meeshaa ayaanu u adkaysan, waxaanay hada ku dhowdahay inay wiigan dhamaato, Waxaa kaloo aanu dayac tiraynaa 5KM oo u dhexeeya Laascaanood iyo Tukaraq oo ay meelo kala duwan ay wadadu ka go,day oo baa,ba ah, Waxaanay isku xidhaa Somaliland iyo Soomaaliya, waana wado mihiim u ah guud ahaan Reer Somaliland, Hay”ad ahaan waxaanu gacanta ku haynaa mashruuca ugu way nee jidka Ceerigaabo ilaa Burco waxanan ku darnay 40KM,laba dhinacna wayka socotaa oo ah dhinaca Bariga oo ay soo gaadhay Ceel-afwayn iyo dhinaca Galbeedka oo ay gaadhay War,idaad marka laga bilaabo Ina Af Madoobe.”

Sidoo kale Maareeyaha Hay”adda Wadooyinka oo mar wax laga waydiiyay dayactirka Wadooyinkii ay duufaantu Jartay ayaa yidhi.”Wadooyinkaasi si mugleh oo lixaadle ayaanu wax uga qabanay 200KM oo isku wareeg ah oo ah wadada Ciida ayaanu ka shaqaynay hadana waanu ku guda jirnaa, Wadada ka bilaabmatay Boorama ilaa Baki horaanu u furnay, Waxaa kale oo aanu ka shaqaynay Garbadadar iyo wadooyinka isku xidha guud ahaan degmada Lughaya, Wadada ka bilaab mata Hargeysa ee Cali Xaydh sii marta oo ciida ah oo gaadiid badani maraan aadna waanu uga shaqaynay, Gaadiid kayaguna wuu ku jiraa, Waxaanu ku guda jirnaa sidii Dadkii ay waxyeeleeyeen duufaantii loo gaadhsiin lahaa gargaarkii ay u baahnaayeen si laxaadlena waxbaanu uga qabanay.”

Dhanka kale Mareeyaha Hay”adda Wadooyinka Somaliland ayaa sidoo kale mar waxlaga waydiiyay hawlaha qaar oo ay gacanta ku hayaan inaanay shaqadooda ahayn iyo dhaliilaha ka yimaada wadooyinka dhexmara magaalooyinka ayaa waxa uu yidhi.”Barnaamijku wadooyinku waxaa u qaybsan yahay wadooyin la yidhaa Wadooyinka Waawayn oo isku xidha gobolada iyo degmooyinka, Wadooyinka Caasimadahana waxaa inta badan ku shaqo leh Dawladaha Hoose, Wax qaba shadooduna way iska dhutinaysaa Had iyo jeer,dhaqaalaha wadankana wayku xidhan tahay, Mustaqbal ahaan anagu waxaanu doonaynaa in barnaamijkaas aanu galno oo aanu labadaba ka shaqayno, Waxaa kale oo aanu soo wadnaa Barnaamij aanu maalin dhow daah-furi doono oo la yidhaahdo “Somaliland horumarkeedu wuxuu ku xidhanaa nayaa horumarka wadooyinka”,Waxaanan doonaynaa inaanu labadaba kaga shaqayno, Masuuliyadayaduna waxay tahay horumarinta wadooyinka guud ahaan inaanu ka shaqayno waana mihiim, Cida masuuliyadaa lehna waa Hay”adayda iyo Wasaarada Gaadiidka iyo Wadooyinka.”

Sanad walba Somaliland waxaa ka dhaca shilal badan, kuwaas oo loo aanaynayo in waddooyinka burbursan ay qeyb ka qaateen, taas oo ay hay’addu doonayso inay yareyso.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE: XAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS