Dabley Hubaysan oo Magaalada Badhan Ka Qafaalatay Gaadhi Ay Lahayd Shirkadda Somtel | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabley Hubaysan oo Magaalada Badhan Ka Qafaalatay Gaadhi Ay Lahayd Shirkadda Somtel
July 22, 2018 - Written by Reporter:

Badhan (WJN)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa gelinkii danbe ee shalay koontaroolka bari ee gudaha magaalada Badhan ee bariga gobolka Sanaag ayaa waxa ay ka qafaasheen baabuur ay leedahay Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel oo noociisu ahaa Landcruiser.

Dableydan hubaysan ayaa sida la sheegay xilligaas baabuurkan oo halkaas shaqo u tegey iyo laba dhallinyaro shaqaale ah oo watey ay qafaasheen, haseyeeshee waxoogey kaddib oo ay magaalada kala bexeen ayaa waxa ay dableydaasi sii daayeen labadii dhallinyarada ahaa ee baabuurka waday ee ay kaxaysteen.

Waxana dableydan hubaysani baabuurkaas geysteen meel jihada bari ka xigta magaalada Badhan halkaas oo ilaa xilligan ay kusugan yihiin.

Sidoo kalena dableydaas ayaa baabuurkaas dusha sare ka gooyey una ekaysiiyey gaadiidka Tiknikada loo yaqaanno ee qoryaha noocyadooda kala duwan lagu rakibo.

Ma cadda ilaa hadda sababta dhabta ah ee dableydan hubaysani u qafaasheen qoortana uga gooyeen baabuurkaas.

 

COMMENTS
LINKS