Xulalka Eritrea iyo Itoobiya oo ay dhexmari doonto Ciyaar Saaxibtinimo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xulalka Eritrea iyo Itoobiya oo ay dhexmari doonto Ciyaar Saaxibtinimo
July 23, 2018 - Written by Reporter:

Xidhiidhada kubadda cagta ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay qaban doonaan caayaar taarikhii ah oo saaxibtinimo oo dhex mari doonto xulalka labada dal.

Xulalka kubadda cagta ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa bisha nagu soo aadan ku cayaari doona garoonka kubadda cagta ee magaalada Asmara.

Xulalka labada dal ma aysan ciyaarin tan iyo sannadkii 1998-dii oo ay jireen dagaalladii xadka.

Xulka Itoobiya ayaa qaadacay cayaar ay la yeelan lahaayeen xulka Eritrea sannadkii 2000 iyo cayaaraha bariga Afrika ee CECAFA sannadkii 2010-kii ee lagu qabtay magaalada Asmara.

Balse xulka Eritrea waxay ku guuldaraysteen inay qayb galaaan cayaaraha CECAFA ee sannadkii 2015-kii.

Tabbabaraha cusub ee Xulka Itoobiya Abraham Mebratu ayaa la filaya inuu shaaca ka qaado taarikhda rasmiga ah ee cayaarta la qaban doono.

 

itoo

COMMENTS
LINKS