Muxuu Ozil Iskaga Casilay Xulka Qaranka Jarmalka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Ozil Iskaga Casilay Xulka Qaranka Jarmalka?
July 23, 2018 - Written by Reporter:

Mesut Ozil oo ah laacib khadka dhexe uga Ciyaara kooxda Arsenal ayaa sheegay in uu go’aansaday in aanu mardambe u ciyaarin xulka qaranka ee dalka Jarmalka.

War qoraal ah oo uu soo saaray ciyaartoygan 29 jirka ah ayuu ku sheegay in sidii ay ula dhaqmeen Xidhiidhka Kubadda ee Jarmalka ay ku dhalisay “in aanu mardambe xidhanin maaliyadda uu ku ciyaaro xulka Jarmalka”.

Wuxuu sidoo kale sheegtay in lagu eedeeyay wajigabixii uu Jarmalku kala kulmay Koobka Adduunka.

Ozil quits Germany squad in spat over Turkey president photo

Bishii May ayaa Ozil lagu dhaliilay in uu sawir la galay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan mar ay isugu tageen xaflad London ka dhacday.

Ozil ayaa xalfaddaas ka qaybgalay isagoo uu ku weheliyo Ilkay Gundogan oo xulka qaranka ee Jarmalka ay u wada ciyaaraan. Ozil iyo Gundogan labadooduba asal ahaan waxay ka soo jeedaan Turkiga.

Ozil wuxuu sheegay in isaga iyo Gundogan ay madaxweynaha Turkiga kala sheekaysteen kubbad.

Intaas ka dibna xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK ayaa baahiyay sawirro ay isla galeen, markaas waxaa socotay ol’olihii doorasha ee Erdogan uu markii dambe ku guulaystay.

Siyaasiyiin badan oo reer Jarmal ah ayaa su’aal galiyay daacadnimada ay Ozil iyo Gundogan u hayaan khiyamka dimuqraadiyadda Jarmalka.

Jarmalka ayaa hore ugu dhaliilay madaxda Jarmalka in ay ugaadhsanayaan siyaasiyiinta mucaaradka wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay.

Ozil ayaa sheegay in haddii aanu sawir la galin madaxweyne Erdogan “ay taasi ixtiraam darro ku noqon lahayd dalkii uu ka soo farcamay”.

Wuxuu sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay soo gaadheen dhambaallo nacayb ah, taleefanno loogu hanjabayo iyo fariimo baraha bulshada loo soo dhigay.

 

COMMENTS
LINKS