Xidhiidhka Kubada Cagta FIFA oo Ku dhawaaqay Murashaxiinta Abaalmarinta FIFA The Best. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Kubada Cagta FIFA oo Ku dhawaaqay Murashaxiinta Abaalmarinta FIFA The Best.
July 24, 2018 - Written by Reporter:

Xidhiidhka kubadda cagta FIFA ayaa ku dhawaaqay liiska musharaxiinta abaalmarinta FIFA The Best oo ay hay’adda soo bilaabeen tan iyo markii ay kala baxeen France Football Magazine sanadkii 2016, kaliyana labadii jeer waxaa hantay Ronaldo oo markii saddexaad diyaar u ah, waana abaalmarin la xidhiidha FIFA Best Player of the Year.
Liiska Musharaxiinta waxaa kasoo muuqday laba ka mid ah xiddigahii France ee hantay koobkii Adduunka, balse marnaba liiskaan sooma galin N’Golo Kante oo kaalin mug leh qaatay, balse waxaa lasoo qaatay Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann.

Labada xiddig ee reer Belgium Eden Hazard iyo Kevin de Bruyne kuwaas oo kaalin lixaad leh ka qaatay hormarka qaranka, waxeyna FIFA shaaca ka qaaday in lagu qiimeyn doono wixii ay hanteen 3-dii July 2017 ilaa 15-kii July 2018.
Mohamed Salah oo si rikoodh ah u qaaday gooldhalinta horyaalka Premier League, sidoo kalana ka saaciday Liverpool iney gaadho final-ka Champions League, waxaan meesha ka madhneyn Harry Kane oo ahaa hogaamiyaha qaranka England.
Luka Modric oo si lama filaan ah Croatia ugu hogaamiyay final-ka koobka Adduunka iyo Lionel Messi oo kooxdiisa laba koob la qaaday ayaa liiska ku jira.

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Liiska Oo Dhamaystirsan:

C. Ronaldo (POR) – Real Madrid
Kevin De Bruyne (BEL) – Manchester City
Antoine Griezmann (FRA) – Atletico Madrid
Eden Hazard (BEL) – Chelsea
Harry Kane (ENG) – Tottenham Hotspur
Kylian Mbappe (FRA) – Paris Saint-Germain
Lionel Messi (ARG) – Barcelona
Luka Modric (CRO) – Real Madrid
Mohamed Salah (EGY) – Liverpool
Raphael Varane (FRA) – Real Madrid

 

SHORT

COMMENTS
LINKS