Natiijada Ciyaaraha Saaxiibtinimo ee Kooxaha Yurub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijada Ciyaaraha Saaxiibtinimo ee Kooxaha Yurub
July 26, 2018 - Written by Reporter:

Waxaa dalka Mareykanka ka socda ciyaaro saaxibtinimo oo ay qaar ka mid ah kooxaha ugu caansan Yurub ugu diyaar garoobayaan xilli ciyaareedka cusub ee oo bilaaban doona bisha August.

Mid ka mid ah ciyaarihi xalay dhacay ayaa waxay magaalada Minniapolis ee gobolka Minnesota ku dhexmartay kooxaha Manchester United iyo AC Milan.

Labadan koox ayaa 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa isku mari waayay barbarro 1-1 ah, waxaana marki danbe lagu kala saaray rikoodhayaal oo ay 9-8 ku badisay kooxda Manchester United.

Wakhtigii caadiga ahaa waxaa goolka la hormaray Manchester waxaana u saxeexay Alexis Sanchez daqiiqadii 12-aad, balse saddex daqiiqo kadib ayaa waxaa Milan u bareejeeyay Suso.

Dhinaca rikoodhayaasha, laacibiinta labada koox ayaa waxay laagteen 26 rikoodhe, waxaana goolki ugu danbeeyay Milan ka khasaariyay Franck Kessie.
Ciyaar kale oo xiisa laheyd ayaa waxay magaalada New Jersey ku dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Waxaa kulankani mar kale kasoo dhex iftiimay laacibka reer Masar Mohamed Salah oo kusoo laabtay waddadii goolal dhaliska, kadib markii uu dhaliyay mid ka mid ah 2-1 oo ay kooxdiisa Liverpool ugu awood sheegtay Man City.

Goolka waxaa la hormartay Manchester City waxaana u saxeexay Leroy Sane, balse waxaa bareejeeyay Salah. Goolka guushana waxaa Liverpool rikoodhe u dhaliyay Sadio Mane.

Salah iyo Mane ayaa labaduba markii ugu horreysay kusoo laabtay garoonnada, kadib markii xulalkooda Masar iyo Senegal lagu reebay wareegi koowaad ee ciyaarihii Koobka Aduunka ee bartamihi bishaan lagu soo gaba gabeeyay Russia.

Ciyaaraha kalana, kooxda Juventus waxay 2-0 ku garaacday Bayern Munich waxaana u saxeexay Andrea Favilli oo ah ciyaaryahan dhalinyaro ah oo dhawaan loo soo dallacsiiyay heerka koowaad ee kooxda Juventus.

Tottenham ayaa 4-1 ku garaacday Roma. Goolasha waxaa min labo u kala qeybsaday Fernando Llorente iyo Lucas Moura, goolka kaliyah ee Rome waxaa saxeexay Patrick Schick.

Kooxda Benfica ee dalka Portugal ayaa iyaduna rikoodhayaal 4-3 ah uga badisay naadiga Brussia Dortmund ee dalka Jarmalka, kadib markii ay wakhtigi caadiga ahaa ay isku mari waayeen barbarro 2-2 ah.

COMMENTS
LINKS