WAJAALE NEWS

Tite oo Brazil Sii Leylinaya ilaa 2022

Tababaraha xulka Brazil Tite ayaa saxeexay heshiis cusub oo dhigaya inuu macalinkani sii leyliyo kooxda qaranka ilaa dhamaadka koobka aduunka ee 2022-ka.

Tite ayaa loo dhiibay xulka Brazil sannadki 2016-ki, waxana uu xulka u horseeday in ay si wanaagsan ugu soo baxeen ciyaarihii aduunka oo ee sannadkaan oo ay ka gaadheen wareega sideedda. Waxaa ciyaarti ugu danbeysay ee ay ciyaareen 2-1 uga badiyay xulka Belgium.

Macalinkan 57 jirka ah ayaa laba jeer soo qaaday koobka horyaalada Latin America muddadi uu la joogay kooxda Corinthians ee dalka Brazil.
Exit mobile version