Nairobi oo marti gelin doonta cayaaraha fudud ee dunida ee 2020 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nairobi oo marti gelin doonta cayaaraha fudud ee dunida ee 2020
July 27, 2018 - Written by Reporter:

Magaalada Nairobi ayaa martigelin doonta cayaaraha fudud ee dunida ee cayaartoyda da’doodu ka yar tahay 20ka sano, sannadka marka uu yayay 2020.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday hay’adda cayaaraha fudud ee adduunka – IAAF.

Waxay intaa ku dartay in dhallinyarada Kenya iyo taariikhda ay u leeyihiin ku guulaysiga cayaaraha fudud ay dalkaas ka dhigtay inuu noqdo mid ku habboon martigelinta tartanka.

Sidoo kale waxay hay’adda IAAF intaa ku dartay in magaalada Nairobi ay muujisay inay diyaar u tahay qabashada tartanka, ka dib markii sannadkii hore lagu qabtay tartankii cayaaraha fudud ee cayaartoyda da’doodu ka yar tahay 18 sano.

Dad badan ayaa rumaysan in tartan macno leh oo guul ku dhamaada uu magaalada u suurto gelin karo inay u tartanto marti gelinta cayaaraha fudud ee dunida ee sannadka 2025.

Waa markii ugu horraysay ee uu dal Afrikaan ah marti galiyo cayaaraha waaweyn ee ay maamusho IAAF.

 

nairobi

COMMENTS
LINKS