Abwaan Deeqa Nuux Yoonis Oo Soo Saartay Maanso Cusub. “Yaa Yidhi Si Loo Kala Badsado Qaranka Beeleeya? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Deeqa Nuux Yoonis Oo Soo Saartay Maanso Cusub. “Yaa Yidhi Si Loo Kala Badsado Qaranka Beeleeya?
July 27, 2018 - Written by Editor:

“Yaa Beerlaxawsaday Shacbiga Oo Ku Yidhi Baaqa?

Yaa Yidhi Bah Iyo Reer u Shira Oo Isugu Baana?

Wixii lagu Ballamay Yaa Ka Dhigay Sheeko Baraleyda?Abwaanad Deeqa Nuux.

HARGAYSA(W,N) Abwaanad Deeqa Nuux Yoonis oo kamida hal Abuurka Dada,yar Ee Reer Somaliland kana Mid Ahayd Shamacyadii Istaadhay Silsiladii Miimleyda ayaa soo saartay Maanso Cusub oo ay Kaga Hadlayso Duruufaha Rasmiga ee ka Taagan Gayiga iyo xaaladaha nololeed ee ay ku sugan  yihiin qaybo kamida bulshadu+ sida shacabka loogu kala qaybiyay qabyaalada.

abwaan deeqa nuux yoonis

HALKAN KA AKHRI MAANSADAN OO DHAMAYSTIRAN;

Ba,da Gabay Baryahan Maan jeclayn inan Bilaabaaye

Ha yeeshee waxbaa bedanka iyo beerku tebayaaye

An barraxo su,al baadday baan soo bandhigayaaye

Umad Yahay Maxay kala Badhee Samihii Baabiiyey?

Maxaa beratankeennii ka dhigay baafin iyo ii dheh?

Gobanimada Yaa Baayacee badaha iib geeyay?

Cadligii Maxaa baylahshee loogu Rogay Baaddil?

Geeddigeenna yaa baajiyee boodhka nagu Reebay?

Yaa Yidhi Bartaa yuu ka kicin Horena Sii Beegsan?

Yaa Yidhi Qabiil baa u bilan Baawer Lagu faano?

Yaa Yidhi Xornimo waa bilaash Beeso Nagu Joogin?

Yaa yidhi wax Yaynaan ka baran beliyo soohaaha?

Yaa yidhi shalaytoon Bur buray buugga kuma taallo?

Yaa yidhi Berriyo yeelkadeed ii Wad bidixeynta?

Yaa yidhi si loo kala badsado Qaranka beeleeya?

Yaa yidhi Suldaamada Bahdilan Bigil halloo Dhiibo?

Yaa yidhi ha boodeen cayaar sida Baloolleeyda?

Yaa yidhi ha sii badhi fureen nabadda buus buusan?

Yaa beerlaxawsaday shacbiga oo ku yidhi baaqa?

Yaa yidhi bah iyo reer u shira oo isugu baana?

Wixii lagu ballamay yaa ka dhigay sheeko baraleyda?

Billaahiye maxaa loo makalay wada jirkii buuxay?

Danyar baahsan oontiyo biyuhu bilo ka soo daahdo

Agoon bariyo hoy Aan kahayn oo ka badan ciidda

Naafiyo bukaan liita oo beelay Aragooda

Intaas oo is wada biirsatoo baahsan degalkeenna

Yaa yidhi barwaaqaa fadhida idinna baashaala?

Bulshadii walaalaha ahayd ee is bixinaysay?

Bari iyo galbeed tii dhammaan wada baqoolaysay?

Burka iyo middii wada lahayd baadka iyo daaqa?

Sidii loo beddalay mar qudha loogu hoday beenta?

Sidii loo baroortee tollaay loogu kala baydhay

Bandar iyo sidii baadiyaha boodhku uga duulay

Duqay iyo bar baar iyo geyiga bilis wixii joogay

Naxli baa Barriintee Toloow Yaa Bedqaba Saaka?

 

Abwaanad Deeqa Nuux Yoonis

COMMENTS
LINKS