TACSI ; MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI ; MADAXWEYNE
July 27, 2018 - Written by Editor:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Maxamuud Dirir (Cali Koodh-case) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 27/07/2018, Dalka Ingiriiska.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed kaalin muhiima ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS