Mashruucii Biyo-Galinta Wajaale Oo U Muuqda Mid Ku Dhacay God Madaw’ Ka Dib Markii Gacanta Loo Galiyey Shirkad Gaar Loo Leeyahay Oo Ay Qaybka Yihiin Masuuliyiinta Maamulku!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mashruucii Biyo-Galinta Wajaale Oo U Muuqda Mid Ku Dhacay God Madaw’ Ka Dib Markii Gacanta Loo Galiyey Shirkad Gaar Loo Leeyahay Oo Ay Qaybka Yihiin Masuuliyiinta Maamulku!!
August 3, 2018 - Written by Editor:

TOG Wajaale(W,N) ;-Tan iyo intii la dhamaystirey mashruucii biyo galinta Magaalada Tog wajaale oo wakhti dheer qaatey isla markaasina ay ku dhiiratay fulintiisa xukuumadii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo kaasi oo hore ugu balan qaaday Wakhtigeedii ololaha.

biyo galinta wajaale

mashruucaasi ayaa wakhti dheer qaatay Xiligana maraya biyo galintii gudaha degmada wajaale kaasi oo dadweynaha wajaale ugu hanqal taagayaan iney markii ugu horeysay cabi doonaan biyo nadiifa kagana raysan doonan goobihii ay dadka , xayawaanka iyo xooluhuba ay kawada cabi jireen.

biyo galinta wajaale 2

balse nasiib darada soo foodsaartey mashruucaasi biyo galinta wajaale waxa uu u muuqdaa mid ku dhacay hog madaw kadib markii gacanta looga galiyay shirkad gaar loo leeyahay

taasi oo hantidii dawlada ee ay dadweynuhu ay sida weyn usagayeen ay manafacadsan doonan dad ganacsato ah iyo waliba sida xogaha laga helayaan ay tibaaxeen  ln ay sheer ku leeyihiin maamulka Degmada wajaale sida; gudoomiyaha, gudoomiye ku xigaha iyo xoghayaha dawlada hoose kuwaasi oo shaadhka dawlada inta ay xilka hayaan kaga faa ideysanaya iney shirkado gaar ah sheer kula galaan,

ay sugayeen ayaa waxa magaceeda la yidhaa (Caafi Water Wajaale )

Si kastaba ha ahaatee mashruucii biyo galinta wajaale oo ahaa mushruuc weyn oo masaafo dheer looga keenay biyaha magaaladasi isla markaasina lagasoo jiiday degaanka botor ay ku dhiiratey Hirgalintiisa xukuumadii Axmed siiraanyo ayaa noqdey mid umuuqda in uu fashilmayo kadib markii uu gacanta ugalay shirkadaasi gaarka loo leeyahay iyadoo maamulka wajaale ee wakhtigan ay ku hubsadeen god madaw sidii hore ugu dhacdey biyihii magaalada gabiley ee ay maamuli jirtey shirkadii gaarka loo lahaa ee Zam Zam Taasi oo lawada ogyahay in ilaa hada ay kasoo bixi laayihiin godkii ay ku ridey biyihii magaalada gabiley balse biyo galinta wajaale ayaa u muuqata mid aan wali geed lagasoo saareynin cida ay ugacan gashay waxanay ubahan tahay in xukuumadu iyo wasaarada biyuhu si dag dega ugu gurmadaan hawshas looguna celiyo gacanta xukuumada iyo maamulka wasaarada biyaha.

By Wariye Khaalid Maxamed Daahir

Editor, Suxufi Zakariye Raage.

TOG Wajaale Office.

 

COMMENTS
LINKS