Gabadh 12 maalmood dhalan oo abaalmarin geesinimo ah la siiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh 12 maalmood dhalan oo abaalmarin geesinimo ah la siiyay
August 3, 2018 - Written by Reporter:

Jasmin oo ah hooyada dhashay Isla-Rose Heasman ayaa sheegtay “in aysan marnaba filaynin” in ay gabdheeda dhakhtar ilko u gaysto iyadoo sidaas u da’yar.

Way iga geesisanayd, mana aysan ooyin markii iliga laga bixinayay ayay tidhi, hooyada dhashay gabadhaas yar.

Isbitaalka ilkaha ee The Seven Trees Dental Access Centre oo Britain ku yaalla ayaa sheegay in Isla-Rose ay tahay “bukaankii ugu da’yaraa” ee waligood soo mara.

Carruurta intooda badan waxay ilkuhu ugu soo baxaan lix bilood, kuwana iyaga oo ilaa afar billood jira, kuwa kalana sannad ka dib.

“ilig la’aanta way ku fool xumaatay”

Isla-Rose waxaa loo mariyay kareeno kabuubyo ah maadaa oo aan la siin karin dawada dadka lagu suuxiyo maadaama oo ay aad u yartahay. Waxaa lagu sharfay oo la siiyay abaal marin geesinimo ah.

“Bannaanka ayaan u baxay aniga oo ooyaya mana rabin in aan arko gabadhayda oo xannuun la ooyaysa!

“Way ila fool xumaatay markii iligii laga saaray,” ayay sii raacisay.

Ururka dhakhaatiirta ilkaha Britain ee BDA ayaa sheegay in 2,000 oo ilmood ay ku dhasheen ilko dawaco. Ilkahaas badankoodu way dabacsan yihiin, maadaama oo ciridku uusan si fiican u korin.

Bare sare Damien Walmsley oo ka tirsan BDA ayaa sheegay in xaaladaha noocaas ah ay keeni karaan dhibaatooyin dhanka naas nuujinta ah, in carabta ilmaha uu wax yeelo ama iligaasi uu baxo oo galo sambabka ilmaha. Si kastaba ha ahaatee waa naadir in arrimahaasi ay dhacaan.

 

gabadh da,yar

COMMENTS
LINKS