WAJAALE NEWS

Doorka Haweenka & Duruufaha ku Xeeran (Qeybta 1aad)

Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax aan ahayn

Aadame markii la leeyahay ama dad waa laba qolo uun waa Rag iyo Dumar. Diinta, diirka iyo deegaanka haku kala gadisnaadaan balse labadaa wax aan ahayn oo dad ka kooban yahey soo heli maysid. Haddii aynu dib u raacno sidii ay ku yimaadeen Alle (SW) ayaa labadaba abuuray; iyada oo ay ka bilaabmeen Adan & Xaawa. Labadooda oo wada jira ayey dadku kasii beermeen. Habka & hanaanka dhalashada marka aynu eegno labadaba waxa caloosha lagu sidaa sagaal (9) bilood oo ah sidka Aadmaha.Qormadan  waxa aan kaga hadli doonaa haddii Eebe Idmo haweenka & kaalinta  ay ku leeyihiin horumarka bulshada ee dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo tariikh kooban oo si guud uga warameysa haweenka & ka qayb qaadashada dhisida bulsho. sidoo kale waxa aynu hoos u sii eegi doonaa Haweenka & sidii ay uga qayb qaateen fidinta diinta Islaamka & arrimo kale oo muhiim ahaa wakhtigii Rasuulka (NNKH) madaama aynu nahey umad 99% Muslim ah oo ay mar walba tahey in aynu qaadno dariiqii suubanaheena & asxaabtiisii. Intaa ka dib waxa aynu u jeedsan doonaa haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin bulshada guud ahaan  iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan uguna jireen wakhtiyadii inasoo maray.

Aan hoos u daadago, aduunka taariikhdiisa soo jireen ka ah, ta casriga ah, inta  horumar sheegata iyo in dunida saddexaad lagu sheegaba  waxa ay ka siman yihiin in Raggu taariikhda hogaanka  nabi Aadan aynu ka bilawnee iyagu dadka u hayeen. Xikmadaha Illaheyna waxaynu aragnaa in dhamaan Nabiyadii uu ummadihii kala duwanaa u soo diray ay wada ahaayeen Rag oo aynaan maqal gabadh nabiyad ah.

Iyada oo taasi jirta haddana waxa taariikhda aduunka oo dabcan aanay Islaamkuna ka maqnayn lagu hayaa Dumar taariikhda baal dahaba ka galay oo hadday noqoto talin ama maamul, dagaal galid & taakuleyn bulsheedba. ha noqoto dhan cilmi & dhan xirfadeedba kaalin mug leh ka hantiyey. Sida oo kale iyana waxa barbar socota taariikhdii madoobayd ee ay haweenku soo mareen guud ahaan ka hor soo if bixii diinta Islaamka.  Waxa jiray oo la soo maray wakhti laga xanaaqi jiray dhalashada hablaha oo qofkii gabadhi u dhalataa uu aasi jiray amaba uu aad uga murugoon jiray, waxa jiray oo lasoo maray wakhti aanay dhaxalka waxba ku lahayn. Waxa jiray oo lasoo maray wakhti la adoosan jiray oo ay qaban jireen hawlo aanay tamar & taag toona u hayn haddana ay ku qasbanaayeen in ay qabtaan oonay jirin cid uga garaabaysaa.

Soo if bixii diinta Islaamka ka dib waxa meesha ka baxay waxyaabo badan oo ay diintu iftiimisay  iyada oo la raacayo Quraanka, axaadiistii Nabiga (NNKH) & sunada. Waxa ku cad quraanka in ubadka Alle (SW) bixiyo Lab/Dhadig labadaba cida uu doonana ka uu doono ku arsaaqo. in ubadka gabi ahaan la dilaana ay tahey danbi.  Sidoo kale waxa ay diinta Islaamku haweenka siisay xuquuqda waxbarashada iyo dhaxalka waxaa iyana meesha ka maqnayn xuquuqda guurka iyada oo gabadha la siiyay fursada ah in ay ogolaato cida guursanaysa sidoo kale waxa uu quraanku xadiday tirada u badan ee uu  ninku guursan karo oo afar ah iyada oo waliba lagu sii xidhay shardiga ah in loo cadaalad sameeyo. madaama wakhtiyadii hore jireen Rag haween tiro badan guursanaya oo runtii ahayd caqabad bulsheed. Waxaan iyana meesha ka maqnayn xuquuqda furniinka oo ay Raggu leeyihiin lakiin dumarkuna ay dalban karaan oo loo tix galinayo duruufaha ay sheegaan.

halka haweenka kasoo jeeda qawmiyadaha aan diinta islaamka haysan ay halgan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaha aas aasiga ah ee ay leeyihiin sida ku cad halganka dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka oo aad u soo xoogaystay  dagaalkii kowaad & Labaad ee aduunka, Kadib markii ay u dul qaadan waayeen duruufaha adag ee xaga nolosha kasoo wajahay iyo iyaga oo ku khasbanaaday in ay shaqo tagaan ka dib markii ay rag badani ku dhinteen dagaaladaa socday oo caruuro badani ku agoomoobeen dumarkiina ay khasab ku  noqotay in ay ubadka quudiyaan.

Sooyaal kooban Haweenka & Maamulka

Marka aynu eegayno guud ahaan aduunka dhaqamadiisa kala duwan & wakhtiyadii lasoo maray ee kala duwanaa waxa jira haween boqorado ama madax soo noqday oo waliba barwaaqo & badhaadhe gaadhsiiyey bulshadii ay xilka u hayeen. Bal aynu in ka mid ah soo qaadano.

Balqiisa

Aynu ku horeyno dhanka Quraanka kariim ka ah, gabadhii Balqiisa la odhan jiray ee qoomkii cadceeda caabudi jiray u talin jirtay wakhtigii Nabi Suleymaan (NKH). Balqiisi sida qisadeeda ka muuqata waxay ahayd gabadh aad u caqli badan, caqli badnaanteeduna waa ta keentay in ay rumeyso yeedhmadii Nabi Suleymaan kadib dood & cadeymo dhex maray iyo waliba jirabkii ay marisay Nabi Suleymaan.

Amina, Boqoradii Nayjeeriya  1560-1610

Amina waxa ay soo maamushay Nayjeeriyada waqooyi xili ay duruufo adag jireen waxay soo noqotay hogaamiye Milatari oo weyn waxa ay hor kacaysay xeelado dagaal galin oo ay dadkeedu aad ugaga reeyeen cadawgoodii sidoo kalena waxay kor u qaaday dhaqaalihii wadanka ay maamulaysay mudadii ay xilka haysay.

Golda Meir, Raysal wasaarihii Israa,iil 1898-1978

Golda waxa ay kasoo qabatay dawladda Israa,iil xilal badan oo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen wasiirka Shaqaalaha & wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaanay ahayd xubin fir fircoon ilaa loo doortay Raysal wasaare sanadkii 1969.

Indira Gandhi 1917-1984

Indira sida ay taariikhdu sheegayso waa Ra,iisal Wasaarihii u horeeyay ee dhadig ahaa ee ay Hindiya yeelato. Iyada oo mudo badan ku soo dhex jirtay arrimaha siyaasadda iyada oo loo doortay Ra,iisal wasaare 1966 kii. Mar labaadna ay isku soo sharaxday oo ay ku guulaysatay in ay noqoto Ra,iisal wasaarahaa wadankaa.

Margaret Thatcher, Ra,iisal Wasaare England 1925

Margaret waxay ahayd Ra,iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dhadig ah ee dawlada Britain yeelato.  Margaret  waxa ay markii u horeysay soo gasha Baarlamaanka  1959, waxaana loo doortay in ay noqoto hogaamiyaha xisbiga (Conservative) ka  sanadkii  1974kii iyada oo xisbiga ay hogaanka u haysay guuleystay 1979kii. xilkaana haysay muddo ku siman 10 sanadood.

Benazir Bhuto, Ra,iisal Wasaare Pakistan  1953-2007

Benazir Bhuto waa Ra,iisal Wasaarihii u horeeyay ee uu yeesho wadan Muslim ah. waxa ay qeyb weyn ka qaadatay in ay Pakistan ka guurto nadaamka kali taliska oo ay u guurto nadaamka dimuqraadiga ah. Waxa ay Ra,iisal Wasaare noqotay sanadkii 1988 kii iyadoo oo kor u qaaday arrimaha bulshada aadna ugu ololaysay xuquuqda la lunsaday ee haweenka.

Hilary Clinton 1947- USA

Hilary oo ah musharaxii u danbeeyay ee xisbiga Dimuqraadiga kuna dhawaatey in ay guuleysato, sidoo kalena waxay ahayd xoghayaha guud ee aqalka cad ee Maraykanka 2009 ilaa 2013. Waxa ay aad uga qayb qaadatay halgan dheerna usoo gashay ololaha haweenka & in ay siyaasada soo galaan.

Intani waa tusaalayaal kooban, haweenka taariikhda aduunka wax ka badelyna qoraalkan & ku kale oo ka dheer toona kusoo koobi kari mayno, oo waa lafdhabarta bulshada waa Hooyo, waa Walaal, waa Oori, waa Inan. Nolosha dhinac kasta oo laga istaago waa hubaal in aad looga arkayo. Inta ay taariikhdu xustayna anigu waxan qabaa in ay ka badan yihiin inta aan la xusin.

cidii faahfaahin dheeraad ah iyo xog intaa kasii badan u baahan lingaxyada hoose ayay kasii heli kartaa

Doorkii Haweenku ka qaateen soo if bixii diinta Islaamka

haweenku sida ay bulshadaba laf dhabar ugu yihiin ayey uga muuqdaan dhamaan arrimaha bulshooyinka saameeya, soo if bixii diinta Islaamku waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyada oo ay jireen caqabado badan oo qabsaday Rasuulka (NNKH) markii u bilaabay fidinta yeedhmada xaqa ah.  Haweenku door aan la ilaabi Karin bay kasoo qaateen. Waxaynu soo qaadan doonaa dhawr tusaale oo koobkooban.

Khadiija Bintu Khuwaylid waxa la sheegaa in ay tahay qofkii u horeeyay ee rumeeyay diinta Islaamka, Rasuulka (NNKH) dabadii sidoo kalana ay u ahayd garab & gaashaan weyn subanaheenii ka dib markii ay tolkii beeniyeen isla jeerkaasna caydhiyeen.

Caa,isha Bintu Abi Bakar waxa ay ahayd qofkii labaad ee soo wariyey axaadiista u badan ee Rasuulka (NNKH). Sidoo kale waxa ay ahayd macalimad loo daba fadhiisto arrimaha diinta iyada oo ka qeyb qaadatay arrimaha siyaasada wakhtiyadii Khilaafadii Cusmaan & Cali.

Xafsa Bintu Cumar waxay ahayd qofkii u horeeyay ee loo dhiibay nuqul kii u horeeyay ee Qur,aanka lagu ururiyey si ay u ilaaliso.

Aynu ku soo gabagabayno Sumayah bintu Khayat oo ahayd naf hurihii u horeeyay ee diinta Islaamka. Waa qofkii u horeeyay ee loo dilay sababta ah yeedhmadii Nabiga (NNKH) ayay rumeysay.

Intaa yar ee kooban haddaynu ku dayno, aynu usoo noqono qowmiyada Soomaalida iyo haweenku heerka ay ka taagan yihiin.

hibafaakhir@gmail.com

 

 

 

Exit mobile version