Edbinta Nafta (Self Discipline) W/Q: Xamse Tudhaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Edbinta Nafta (Self Discipline) W/Q: Xamse Tudhaale
August 4, 2018 - Written by Reporter:

Caqabadaha ugu waawayn ee guud ahaan Aadmigu wadaaga waxa kaw ka ah isla mawduucan aynu ka hadlayno, waana sababta

 

Qodobka 1aad (Ku celcelinta ilaa ay sugmayso)

Mawduucani madaama uu yahay mid aad u sal balaadhan oo dhinacyo kala duwan laga eego; waxa aan ku soo koobay afartan qodob oo bud-dhig u ah marka uu qofku doonayo in uu naftiisa ku sugo jid midho dhal leh If iyo Aakhiraba.
Walow aanay basharka ka madhnayn khalkhal ku yimaada qaab nololeedkooda iyo is maandhaaf ka dhex dasha hannaan nololeedkooda, haddana waxa muhiim ah in uu qofku inta ugu badan noqdo mid ku sugan meel gaar ah oo nidaamsan.
Caqabadaha ugu waawayn ee guud ahaan Aadmigu wadaaga waxa kaw ka ah isla mawduucan aynu ka hadlayno, waana sababta aan u doortay in aan uga hadlo.

Marka laga hadlayo Edbinta Nafta waxa ugu muhiimsan afartan qodob:

1:Ku celcelinta ilaa ay sugmayso
2:Diirad saarida ilaa aad ka gun gaadhayso
3:Ujeedka aad ka leedahay arrintaad qabanayso
4: Isqiimaynta ilaa heerka aad marayso.

Qodobkan aynu isla waqtigan ku dul istaagi doonno qormadeenani waxa uu yahay isla qodobka ugu horeeya ee aan xusnay oo ah (Ku celcelinta ilaa ay sugmayso) oo noqonaya in uu qofku caadada uu rabo ama habdhaqanka uu doonayo in uu sugo ay uga baahan tahay in uu in badan ku celceliyo oo aanu iska dhiibin ilaa ugu danbaynta uu ka sugmayo; noqonaya wax aan dhibayn oo u noqda habdhaqan u fudud ku noolaanshiyihiisu.

In badan ayaa ay dhacday in aad dhigatay qorsheyaal aad hubto in aad horumar ka gaadhi karayso, balse inyar markii aad wadday aad joogtayn kari wayday, ugu danbayna aad iskaga soo noqotay halkaagii.
Waxyaabaha ugu waawayn ee uu qofku u awoodi kari waayo in uu sameeyo Joogtaynta hawl ayaa ah:

A: Filashada natiijo degdeg ah: In aad filato natiijo balaadhan oo degdeg ah, waxa ay kugu sababaysa in aad degdegsato isla natiijada aad heli doonto, taas oo kugu sababaysa in aad niyad jab kala kulanto sida ay wax u socdaan, marka aad natiijo degdeg ah arki waydo.
B: Habdhaqankii hore oo aanu qofku beddelin: Haddii aad rabto in aad xilli hore kacdo, waa in aad heshaa hurdo kugu filan, dadyowga qaarkood waxa ay doonaan in ay helaan natiijo ka duwan isla natiijooyinkii hore, iyaga oo samaynaya ficiladii hore ee ay ka dhaxleen isla natiijooyinkan hadda ay ku sugan yihiin. Beddel habdhaqankaagii hore si aad u hesho natiijo ka duwan tii hore.
C: Qorshe la’aan : Dadyow badani waxa ay qaataan go’aano aan ku salaysnayn qorsheyaal cad-cad; taas oo sababta in ay joogtayn kari waayaan habdhaqanka cusub ee ay rabaan. Haddii aanad garanayn halka aad ku socoto, laga yaabaa in aad ku lunto meel aanad ka soo noqon karin.
D: Go’aan qaadasho caadifad ku salaysan: Dadyowga qaarkood waxa ay arkaan wax cajabiya, qof isbeddelay oo noloshiisii qurxistay ama hawl kale, taas oo uu markiiba doono in isna uu isbeddel sameeyo, si uu u helo isla natiijada uu qofkaasi helay, waxa aanay keenta in uu qofku qaato go’aan caadifadi hoggaaminayso.
Hawl qiiro lagu galay qoomamay ku danbaysaa.

Haddii ay ku haystaan qaar ka mid ah qodobadan aynu kor ku xusnay, waxa aad kaga gudbi kartaa qodobadan:

A: Ha filan natiijo deg-deg ah: odhaah ayaa ahayd “Wadiiqada yari waxa ay kugu ridaa wadiiqada weyn”. Markiiba ha filan natiijo degdeg ah oo aad hesho, balse dareen ugu yaraan isbedelka ku yimid noloshaada iyo deggenaanta aad ku dareemayso habdhaqankaagan cusub.
B: Beddel oo ka dheeroow dhammaan caadooyinkaagii hore ee aad lahayd, kana takhalus; adiga oo ku meelaynaya isla caadooyinka cusub. Haddii aad rabtid natiijo ka duwan middii aad hore u heshay waa in aad samaysaa ficilo ka duwan kuwii aad hore u samayn jirtay.
C: Ku soco Qorshe: Qofku marka uu meel suntado, waxa uu garan karaya halka uu u socdo iyo halka uu ka soo dhaqaaqay; taas oo ay uga soo baxayso is qiimaynta uu sameeyaa xaddiga isbeddel uu sameeyey. Hawl kasta oo aad qabanayso haddii aanad qorshe ka lahayn, waxa aad noqon doontaa mid ku fashilma.
D: Samir u lahow: Samirku waa shiidaalka rejada lagu gaadho, haddii aanad samir lahayn, nolosha adiga ayaa dhibbane u ahaan doona. Culays fara badan waxa uu kaaga iman doona habdhaqan kasta oo ku cusub noloshaada iyo Naftaada; balse shayga kaliya ee lagaga bixi karo ayaa ah in aanad is dhiibin ee aad dul u yeelato culayskaas.

 

Xamse Tudhaale: Tabobare iyo qoraa ka faallooda horumarinta hal-abuurka iyo hab-fikirka Aadamaha.

Email: xamsetudhaale@gmail.com

Mobile: 0634410163/0654410163

 

COMMENTS
LINKS