War Deg Deg Ah; Gaadhigii Mustafe M. Khayre Oo la Helay Iyo Khasaaraha La Gaadhsiiyay+ Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Budhcadii Falkan Gaysatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah; Gaadhigii Mustafe M. Khayre Oo la Helay Iyo Khasaaraha La Gaadhsiiyay+ Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Budhcadii Falkan Gaysatay.
August 5, 2018 - Written by Editor:

“Ugu dambayn waan ku faraxsanahay in aanu soo helnay raqdii gaadhigayga isla markaana soo qabanay dambiileyaashii”.Mustafe M, Khayre 

HARGAYSA(W,N) Ciidamada booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in soo qabtaan gaadhigii noocusi Yahay surf  oo laga xaday mudo dhawr cisho ka hor kaasi ay kasoo heleen goob cidla iyadoo gabi ahaanba gaadhi la bililiqaystay meel dooxa ah laga tagay.

gaadhi must 1

Mulkiilaha Gaaadhiga Aqoonyana Mustafe Maxamed Khayre ayaa ka hadlay Soo qabashada Danbiilayaasha Gaadhigiisa Xaday Iyo Khasaaraha la gaadhsiiyay.

gaadhiga must 2

Isagoo dhanka kale u mahad naqay ciidamada booliska masuuliyiinta gobolka maroodi jeex iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay soo qabashada gaadhigiisa iyo kooxdii falka gaysatay.

gaadhiga must 4

Wuxuna Mustafe Maxamed Khayre Sidaa Ku Sheegay Qoraal Uu ku Baahiyay Barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga. Una Dhignaa Sidan;

gaadhiga must 3

Ugu dambayn waan ku faraxsanahay in aanu soo helnay raqdii gaadhigayga isla markaana soo qabanay dambiileyaashii.

 Waxan u mahadcelinayaa Badhasaabka Maroodijeex Jaamac Cabdi iyo Badhasaab-Xigeenka Maroodijeex Khadar Barud oo xil weyn iska saaray sidii ay u fashilin lahaayeen dambigaas halista ah ee ku soo kordhay gobolka ay qaranka masuulka uga yihiin. Khadar Barud oo aan hawshaa mar kali ah ka nasan si gaar ah ayaan ugu mahadcelinayaa.

Sidoo kale waxan u mahadcelinayaa asxaabta kala ah Axmedyaasiin Muxumed Cadde, Mahdi Cumar Sheekh iyo Axmed-Lafo oo gacan ka gaystay hawlihii baadhitaanka. Waxan iyagana u mahadcelinayaa booliska degmada Ibraahim Koodbuur oo xalay oo dhan hawlgalka qabashada eedaysaneyaasha ku mashquulsanaa, gaar ahaan Taliye Axmed Abokor iyo Adnan Suldan Hassan oo isaguna hawlgalkaa gacan culus ka gaystay. Intiinii ila soo xidhiidhaysay ee is dirtay iyo intiini Facebook-ga ku baahiysay idinkana si weyn ayaan idiinku mahadnaqayaa.

AYuu hadalkiisa kusoo koobay aqoonayhan M,M,

KHAYRE

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS