Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL Oo Shirar La Yeeshay Jaalliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Tanzania. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Ee Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL Oo Shirar La Yeeshay Jaalliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Tanzania.
August 5, 2018 - Written by Editor:

Tanzania(W,N) Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)  oo safar  shaqo uu dhawaanahanba ku marayay  wadamo ka mid ah koonfurta, badhtama iyo bariga Afrika ee jaaliyadaha Somalilan ku dhaqan yihiin ayaa safarkiisa ku soo gebogabeeyay dalka Tanzania oo Guddoomiyuhu shirar kula yeeshay qaybaha bulshada Jaalliyadda magaalooyinka Daresalam, Caruurasha iyo Mooshi ee dalkaas.

Arusha (2)

Guddoomiye Dayaxweerar ayaa booqasho shan maalmood ah ku joogay dalka Tanzania ayaa booqday qaybaha bulshada Jaalliyadda Somaliland oo si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha dhammaan magaalooyinka ay joogaan, waxanu shirar is xog waraysi, iyo wacyigelin ah la yeeshay dadweyne ka tirsan qaybaha Jaalliyadda oo leh ganacsato, odayaal, da aqoonyahan ah, haween iyo dhalinyaraba gaar ahaan magaalooyinka Daresalaam, Caruurasha iyo Mooshi oo ka mid ah meelaha ay ugu badan yihiin dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena, muwaadiniinta ka ah dalkaas Tanzania.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland,  Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)  ayaa ugu baaqay bulshada Jaalliyadda Somaliland ee dalka Tanzania inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga dhexdooda, xidhiidhka dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo inay soo maalgashadaan fursadaha maalgashi ee dihin ee ka jira dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana door ka ciyaaraan horumarinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan ee loo baahanyahay inaan yeelanno Tanzania iyo wadamada bariga Afrika guud ahaan dhinacyada dhaqaalaha, bulshada, iyo siyaasaddaba. Dayaxweerar ayaa sidoo kale ku waaniyay bulshada Jaalliyadda Somaliland ee Tanzania inay ku dadaalaan inay ilaashadaan dhaqankooda iyo afkooda oo ku barbaariyaan carruurta iyo jiilasha soo kocaya.

Dhinaca kale, dhammaan dadweynaha ka soo qaybgalay shirarkaas seddexda magaalo ee Daresalaam, Caruusha iyo Mooshi ayaa aad usoo dhaweeyay booqashada uu ugu yimi Guddoomiyaha Hay’adda, ugana mahad celiyay Guddoomiyaha iyo guud ahaan Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Xukuumadda JSL guud ahaan.

Safarkan shaqo ee Afrika ee Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland ayaa qayb ka ah dadaalka ay Wasaaradda Arrimaha Debaddu ugu jirto xoojinta xidhiidhka iskaashiga jaalliyadaha iyo wadamada Afrika, waxanu Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland hore usoo maray jaalliyadaha Somaliland ee dalalka Koonfur Afrika iyo Zambia.

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamig ah JSL

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland  

August 5, 2018

COMMENTS
LINKS