Shan soomaaliyeed ma la heleyaaW/Q: Axmednuur Guruje | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shan soomaaliyeed ma la heleyaaW/Q: Axmednuur Guruje
August 7, 2018 - Written by Reporter:

Qof kasta oo soomaali ihi wuu jecel yahay hadduu heleyo midnimadda shanti soomaaliyeed,hassa yeeshee hadana soomaaliddu kuma heshiin karto radinta shanta soomaaliyeed oo ah wax sahlan haddii la doonayo .

Meel fog ba maahee ,madaxwaynaha soomaaliya iyo ka Djabouti oo u Yimaadda madaxwaynaha Somaliland kuna yidhaahda saddex madaxwayne oo soomaaliyeed baynu nahay oo simane aynu midowno inaggoo siman oo walaalo ah bay ku xidhan tahay.

Intaa mala helayaa ? Haa iyo maya .

Haa haddii ay jirto wadaniyad iyo soomaalinimo ku jirta dhiigga iyo dhuuxa Mogadishu iyo Djabouti,waayo midnimo soomaaliyeed oo ku xidhan sinaan iyo cadaaladdi waa fududahay .

Maya ,maxaa yeeley Mogadishu ma rabto in ay midnimo soomaaliyeed darteed u yeesho sinaan iyo cadaalad oo ay hargaysa aqoonsato ,waayo waxaa u daaran heestii gabowday ee odhan jirtay Mogadishu ayaa lagga daaraa ,hadda Mogadishu cid ay masruuftaaba ma jirto .

Djabouti ma ogola in ay dawladnimadeeda gaarka ah ku badalayo dawlad soomaaliyeed oo ka Talisa obokh Ilaa beled xaawa ,oo raadisa jigjiga iyo gaarisa ,maxaa yeeley saamigeedda gaar ahaaneed ayaa uga macaan .

Sidaa markay tahay,Shan soomaaliyeed la heli maayo ,inta Mogadishu iyo Djabouti hawlahoodda wataan .

Si kastaba ahaatee ,Riyadda shanta soomaaliyeed way jiraysaa inta qof soomaaliyeed jirro .

 

COMMENTS
LINKS