Halkan Ka Akhri;Wareegto Wasiirka Maaliyada Jsl Soo Saaray Oo Khilaaf Ka Dhex-Abuurtay Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaaradda Iyo Amarada Uu Dul Dhigay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri;Wareegto Wasiirka Maaliyada Jsl Soo Saaray Oo Khilaaf Ka Dhex-Abuurtay Masuuliyiinta Ugu Sareeya Wasaaradda Iyo Amarada Uu Dul Dhigay.
August 7, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N):-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa horaantii bishan wuxu wareegto ay amaro culus ku qoran yihiin ku wargaliyay masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada oo ay hormuud ka yihiin wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud   kuna amray in aanay Wax talaabo ah qaadi karin ilaa ay soo wargaliyaan isla markaana aanay tagi karin kormeerna kusamayn karin goobaha dakhliga soo saarka ee dalka.

WASIIR BASHKAX 1

Talaabadan kuu qaaday wasiirka maaliyadu ayaa  Khilaaf huursan oo xaga maamulka ku keenay mudooyinkii u dambeeyay masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,kaasi oo u dhexeeyay Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiinta Ay isku Digreetada ku magacaaban yihiin sida Wasiir ku xigeenka Maxamed Daahir iyo Agaasimaha Guud,Waxaanu khilaafkaasi gaadhay heer  ay shaqada wasaaradu  jah wareer gasho,

HALKAN KAGA BOGO WAREEGTADA WASIIRKA;

WAREEGTO 1

Khilaafkan xaga maamulka ah ee wasaarada maaliyada ayaa waxaa keenay  kadib markii Wasiirku uu qoray wareegto uu  amar ku siinayo Masuuliyiintaasi kaasi oo dulucdiisu tahay inaanay wax kormeer ah ku samayn Karin Goobaha Dakhli ururinta iyo meelo kale toona oo ka tirsan Wasaaradda,iyaga oo aan Wax amar ah ka qaadan isaga waxaanay arintaasi gaadhay inay aamusnaan gasho wasaaraddu oo ay joogsato hanaankii wada shaqayneed ee ka dhexaysay Masuuliyiinta Wasaaradda,

Iyadoo dhanka kale talaabadan uu ku kacay wasiirku ay keeentay kala fogaansho soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaarada taasi oo saamayn balaadhan ku yeelatay badiba waaxaha wasaarada.

Qoraalkan kasoo baxay wasiirka ayaa Waxaa ka muuqata aqoonta iyo aragtida rasmiga ee wasiirka maaliyada iyadoo banaanka keentay khibrad la’aanta masuulkan madaxwyne muuse biixi u xushay wasaarada ugu culus dalka kaasi oo gabi ahaanba ilaaway in wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud uu madaxwayne muuse biixi wada magacaabay ee aanay ahayn agaasime waaxeedyada wasaarada.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo intii wasaarada maaliyada loo magacaabay wasiir yuusuf ayaa wuxu ku kacay arimo door ah oo gabi ahaan  baalmarsan anshaxa masuuliyada isagoo mudo yar ka dib markii xilka loo magacaabay bilaabay qorshe uu ku beegsanayo agaasimaye waaxeedyada wasaarada iyo maamulayaasha kastamada dalka ugu waawayn  taa badal keediina ka dhigay in uu u magacaabo xubno ay isku xulafo yihiin oo hore loogu wada qabtay arimo musuq maasuq wallow uu kalsooni badan ka haysto madaxwaynaha.

Dadka Aragtida dheer ee Siyaasada Falanqeeya Ayaa badiba Ku Sifeeyey masuulkan Mid Uu xulashadiisa Madaxweyne Muuse biixi ku fashilmay islamarkaana aan ka fiirsan masuulka uu u magacaabay culayska wasaaradan iyo Shaqsigii halka maanta ay joogto hore uga dhaqaajin lahaa, door laxaad lehna ka qaadan lahaa arrimaha Sicir bararka iyo Sarif bararka daalaa dhaca ku keenay shacabka ku nool gayiga Somaliland.

Cabashooyin Badan oo Bulshadu masuulkan uga gudbisay madaxweynaha Ayaa mar uu ka hadlayey wuxu  sheegay inuu yahay masuulkani mid uu ku xushay aqoonta uu leeyahay, waxaase madaxweynuhu aan diba u tix raacin Talaabooyinkii  Musuqmaasuq ee Wasiir Yuusuf shaqada lagaga eryey Xukuumadii tan ka horeysay oo galaafatay shaqadii Ku xigeenimo oo wakhtigaa uu ka ahaa kastamka kalabaydh………!

 La Soco Warbixino Diirada Lagu Saaraayo Ficilada Ku Cusub Nidaamka Shaqo ee Masuulkan Majaraha Ka Leexday.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS