Halkan Ka Akhriso: Taariikh Nololeedka Madaxweynaha DDSI oo Kooban | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso: Taariikh Nololeedka Madaxweynaha DDSI oo Kooban
August 8, 2018 - Written by Reporter:

JigJiga (WJN)- Madaxweynaha cusub ee dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Sheekh Maxamed (Ilkacase) wuxuu 1986 ku dhashay magaalada Garbo ee gobolka Fiiq.

Tacliintiisa hoose iyo tan sare wuxuu ku qaatay machadka Eget oo ah machad ku yaalla magaalada Addis Ababa oo ay dhigtaan ardayda ka soo jeedda qoysaska danyarta ah.

Dugsiga sare wuxuu ka baxay 2009.Jaamacadda Diri-dhabe ayuu ka baxay 2012, isagoo bartay dhaqaalaha iyo istaatistikada.

Dabayaaqadii 2012 ayuu shaqadiisii ugu horraysay ka billaabay magaalada Godey, halkaas oo uu ka noqday sarkaalka cashuuraha.

Isla shaqadaas ayuu 2014 ka qabatay magaalada Jigjiga, Isla sannadkii 2014 wuxuu u dallacay inuu noqdo duqa magaalada Qabri Dahar.

Sannadkii 2015, wuxuu noqday agaasime ku xigeenka arrimaha maaliyadda ee gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

2016 waxaa loo dallacsiiyey madaxa maaliyadda ee DDSI, taasoo ah darajo u dhiganta wasiirka maaliyadda, ilaa iyo seddex bilood ka hor, markaasoo loo beddelay hay’adda biyaha.

2017 ayuu shahaadada darajada labaad ee maaraynta masiibooyinka ka qaatay jaamacadda Bahir Dar, Waa xaasle dhalay 7 ilmood (afar wiil iyo seddex gabdhood).

 

_102880597_ilkacase_ddsi

COMMENTS
LINKS