Isku-socodkii Jigjiga iyo Wajaale oo Dib U Bilaawday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku-socodkii Jigjiga iyo Wajaale oo Dib U Bilaawday
August 8, 2018 - Written by Reporter:

Tog Wajaale (WJN)– Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay rabshaduhu ka dhaceen qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa gabi ahaanba is taagan dhaq-dhaqaaqii iyo isku socodkii dadka iyo ganacsiga Jigjiga ay la laheyd qeybaha kale ee dalka iyo deegaannada dariska la ah.

Waxaa maanta dib u bilaawday isku socodkii gaadiidka iyo shacabka isaga kala gooshi jiray labada magaalo Jigjiga iyo Wajaale sida uu sheegay taliyaha laanta socdaalka gobolka Gabiley  C/rashiid Axmed Xassan.

“Isku socodku caadi buu ku soo noqday hadda, labadii maalmood ee la soo dhaafay ma jirin wax ganacsi ama isu socod labada magaalo ah, laakiin hadda waa caadi, gaar ahaan dhinaca deegaannada Somaliland ayeey dadku aad u soo galayaan, ” ayuu yidhi taliye C/rashiid.

Dadka rayidka ah ayeey saameynta uu ku yeesheen rabshadaha iyo guud ahaanba is badalladii maalmihii aynu soo dhaafnay ka jiray qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhibaatooyinka soo food saaray dadka ka mid ahaa in uu meesha ka baxay isku socodkii gaadiidka magaalooyinka kala duwan dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Laakiin hadda waxaa muuqata in xaaladu caadi ku soo noqoneyso, islamarkaana dadku ka rajo qabaan in adeegyadoodii kala duwanaa dib u bilaabaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/KPHkBgcM3QM

 

 

 

COMMENTS
LINKS