Kepa Arrizabalaga oo Chelsea ku biiraya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kepa Arrizabalaga oo Chelsea ku biiraya
August 8, 2018 - Written by Reporter:

Bartilmaameedka naadiga Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa bixiyay heshiiska qandaraaskiisa lagu nasakhi karo oo ku dhow 79M oo Euro. Taasi waxay u saamaxeysa in gool wadahaasi uu ka tago naadiga Athletic Bilbao, kuna biiro naadiga Premier League ee Chelsea.

Heshiiska, ayaa noqon doona midkii ugu qaalisanaa ee abid gool wade lagu kala gato, isago ka sara mari doona heshiiska Liverpool ay kula soo wareegtay Alisson bishii July oo ku kacayay £66.8 oo milyan.

Gool wadaha reer Spain oo 23 jir ah, ayaa baddal u noqon doona Thibaut Courtois.

Ciyaaryahanka reer Croatia ee naadiga Ral Madrid Mateo Kovacic, 24, ayaa la rajeynayaa in qaab amaah ahaan uu ugu biiro naadiga Chelsea.

 

C8023F60-AC79-4901-8C06-8B9EE9EB520C_w1023_r1_s

COMMENTS
LINKS