Booqashadii Madaxweye Muuse Biixi Ee Jaamacadda Camuud; Taariikh Iyo Nasiib Isa Saaran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booqashadii Madaxweye Muuse Biixi Ee Jaamacadda Camuud; Taariikh Iyo Nasiib Isa Saaran
August 8, 2018 - Written by Reporter:

Sannadkii  1998  waxaan safar  shaqo ku tagay magaalada Sheekh aniga oo markaa ahaa wasiirka qorshaynta ee JSL,waxaan si kadis ah u galay dugsigii sare ee  degmada Sheekh oo mar  ahaa school wax loo dhigaa jiri, guud ahaana magac wayn ku lahaa Somaliland. Tabaaladii , dayacaadii iyo burburkii ka muuqdey ayaan la murugoodey aniga oon is ogeyna  la ilmeeyey. Markii muddo sannada laga joogo safarkaygan waxa xafiiska ii gu soo galey Allaha unaxariistee Ashcari oo ahaa odey reer Somaliland, lahaana masuuliyaddii iyo imaatinkii  Sos waxuuna hadalkiisii ku bilaabay sidan:

“Waxaan la kulmey madax weynaha oo markaa ahaa Allaha unaxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim (cigaal), madax weyne Cigaal waxaan weydiistey inuu ii oggolaado inaan dugsiga Sheekh ka dhigo meel ay maal galiso Sos  isla markaana ay maamusho lagana dhigo heer caalamiya, dhinacyadiisa waxbarashada loona sameeyo hoy ay ardeydu galaan (Boarding School), oo dugsi hoose ah. Madaxweyne Cigaal waxuu iisheegay haddii uu wasiirka qorsheynta oggolaado,in dan Somaliland ka muuqato hawshan aad wadato, oo ay tahay hawshan mid ina anfacaysa anigu waxba ka ma qabo”.Markii intaa Ashcari ii sheegay waxaan ku idhi  haddii dugsigan Sheekh noqonayo siddii uu ahaan jirey, oo waxqabadkani yahay mid  sharaftii dugsiga Sheekh soo celineya howshaad usocotaa waa mid macquula ,laakin kaa oggolaan maayo  in dugsigii Sheekh ee sari uu noqdo dugsi hoose, Ashcari wuu ila qaatey fikradaa,  sidagdagana wuu aqbalay  arrin kii sidaas ayuu ku hir galey dugsigii hoose Hargeisana loogu soo wareejiyey.

Waxa sheekadan iiga waramey Prof. Maxamed  Siciid  Gees  isagoo hadalkiisii sii wata  waxu yiri” waxay sheekadani maskaxdeyda ku soo dhacdey safarkii uu madex wayne Muuse Biixi Cabdi ku tagey jaamacada Camuud  oo aniga qurux gaara ii sameysey”.

Madaxweynuha wuxuu tagay dugsigii uu mar ardey ka ahaa isagoo madax wayna ah,dugsigiisiina uu oo isu badaley jaamacad, oo waliba sumcad leh,  maamulihii markuu ardayga ka ahaana joogo,  isaga oo isna isu badaley gudoomiyihii jaamacada  Saleebaan A. Guuleed.

Fasalkii uu ku dhameystey waxbarashadana, ay fadhiyaan ardey master diyaarineysa waxuu Prof. Maxamed Siciid Gees ku soo gaba gabeeyey  waa nasiib iyo ayaan cid heshaa yartahay oo Ilaahay ku simay cimriga madax waynaha.

 

Qalinkii: Maxamed Xaashi

COMMENTS
LINKS