Heshiisyadii Ugu Waaweynaa Horyaalka Premier League 2018/19: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiisyadii Ugu Waaweynaa Horyaalka Premier League 2018/19:
August 9, 2018 - Written by Reporter:

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa furmaya, ka dib markii uu furnaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee xilliga xagaaga.

Inkastoo aysan jirin tiro aad u badan oo cayaartoy ah oo Ingiriiska timid, misna cayaartoy tayo sare leh ayaa waddamo dibadda ah kaga yimid Ingiriiska.

Halkan waxaan ku eegaynaa Lix ka mid heshiisyadii ugu waaweynaa.

Lucas Torreira – Arsenal

Ka yimid: Sampdoria (Talyaaniga)

Lagu iibsaday: £26.4m

Way adag tahay in la dhayalsado muhiimadda uu xilli cayaareedkan u leeyahay kooxda Arsenal.

Naadigu wuxuu ahaa mid gebi dhaclaynayey dhowrkii xilli cayaareed ee u dambeeyey, iyadoo hadba dib loo dhigayey ka tegidda Arsene wenger uu kooxda ka tegey.

Laakin ayadoo uu hadda hogaanka u qabtay Unai Emery, oo ah tababarihii ugu horreeyey ee ay kooxdu yeelato, ka dib 22 sano oo uu hogaanka u hayey Wenger, ayaa waxay doonayaan in waaga cusub ee u beryey uu noqdo mid iftiimaya.

Iibsiga ay Juventus ka soo iibsadeen Stephan Lichtsteiner oo 7 goor qaaday horyaalka Serie A, ayaa ah mid u wanaagsan difaacooda.

Laakinse Lucas Torreira ayaa uga sii muhiimsan.

22 jirkan khadka dhexe uga cayaara Uruguay ayaa aad uga dhex muuqday koobka adduunka, isagoo 5 goor waddankiisa u cayaaray, waxaana la xusuustaa inuu mar kubadda madaxa ku dhuftay isagoo dhulka yaalla.

Waa nin aad u firfircoon, fudud, waana qofka ay Arsenal doonayso, qof kala daadin kara difaaca ka hor jeeda.

Aad baa loo dhararsaday imaatinkiisa. Taageerayaasha Arsenal waxay taako-taako ula socdeen halka uu hadba marayey duullimaadkii uu ku yimid London.

Jorginho (Chelsea)

Ka yimid: Napoli (Talyaaniga)

Lagu iibsaday: £50m

Jorginho waa mid ka mid ah laba cayaartoy oo Chelsea ku soo biiray xagaagan. Kan kale waa goolhayaha ruug cadaaga ah ee Rob Green oo aan la filayn inuu wax badan u safto kooxda.

Inkastoo uu Brazil ku dhashay, haddana wuxuu haystaa dhalashada Talyaaniga, wuxuuna ka yimid Napoli. Waa kooxda uu ka yimid tababaraha Chelsea Maurizio Sarri.

Jorginho waxaa loo arkaa inuu muhiim u yahay qaab cayaareedka uu Sarri doonayo inuu ka hirgaliyo garoonka Stamford Bridge, in koontaroolka iyo haysashada kubadda ay iyagu yeeshaan.

Haddii uu sidaa sameeyo, sidii uu sameeyey markii uu Napoli la joogayba, waxaa dhici karta in Chelsea ay kaalimaha hore gasho.

Andriy Yarmolenko

Ka yimid: Borussia Dortmund (Jarmalka)

Qiimaha: £17.5m

Haddii Chelsea iyo Arsenal ay ka gaabiyaan inay qaataan cayaartoygan, waxaa jira naadi reer London ah oo aad u doondoonaya.

Cayaartoyda ay ka midka yihiin Jack Wilshere oo ka yimid Arsenal, Felipe Anderson oo kaga soo biiray Lazio, iyo laacibkii kooxda Toulouse, Issa Diop, ayaa hore ugu soo xarooday West Ham oo tababarahooda cusub, Manuel Pellegrini uu doonayo inuu wax ka beddelo qaabkii uu kooxda kaga tegey ninkii isaga ka horreeyey ee David Moyes.

Weeraryahanka Yarmolenko wuxuu yimid asagoo xiise loo qabo, wuxuuna ka yimid Borussia Dortmund oo uu ku niyad jabay.

Laakin qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay dalka Ukraine markii uu u cayaarayey kooxda Dinamo Kiev wuxuu ahaa mid aad u sarreeyey.

175 gool ayuu u dhaliyey, 100-na wuxuu sahlay in la dhaliyo.

Wuxuu afar goor noqday cayaartoyga sannadka ee kubadda cagta ee Ukraine.

Waxaa dhici karta in Jarmalku uusan ahayn halkii isaga ku haboonayd.

Alisson Becker – Liverpool

Ka yimid: Roma (Italy)

Lagu iibsaday: £70m

Liverpool waxay jabisay rikoorka iibsiga goolhayeyaasha, si ay Roma ugala soo wareegto laacibka lambarka 1aad u qaata Brazil.

Ujeeddada ay ka leeyihiin ayaa ah inay xal u helaan kaalintaas wareerka u keentay xilli cayaareedkii la soo dhaafay.

Waa 25 jir saftay 31 kulan oo heer caalami ah. Allison 22 kulan ayaan wax gool ah shabaqiisa la taabsiin 49 kulan oo isugu jiray Serie A iyo Champions League, xilli cayaareedkii la soo dhaafay.

Midnaba eed kuma lahayn afartii gool ee Brazil laga dhaliyey koobkii aduunka ee dhawaan uu faransiisku qaaday.

Waxaa soo barbaariyey goolhayihii caanka ahaa ee Brazil, Claudio Taffarel oo ka mid ahaa kooxdii ku guulaysatay koobka adduunka 1994, iminkana wuxuu kooxda Brazil u qaabilsan yahay laylinta goolhayeyaasha.

Fred – Manchester United

Ka yimid: Shakhtar Donetsk (Ukraine)

Lagu iibsaday: £58m

In badan oo ka mid ah taageerayaasha muxaafidiinta ah ee United madaxa ayey xoqayeen markii ay soo yeedhay akhbaarta ah in naadigu uu heshiis la saxeexday 25 jirka reer Brazil ee u cayaara Shakhtar Donetsk.

Jab-yaridiisa waxaa lagu xusuustaa Kleberson.

Cayaartoygaas ku guulaystay koobkii adduunka ee 2002 wuxuu tegey garoonka Old Trafford, waxaase ku adkaatay inuu la qabsado cayaaraha horyaalka Ingiriiska ee u baahan xoogga.

Laakin Fred oo dhererkiisu yahay 5’6, kama maago isgarbinta. Wuxuu kaloo ku fiican yahay baasaska, wuxuuna dhamaystir fiican u noqon doonaa ayaa la leeyahay khadka dhexe ee United ee ay wadaan Nemanja Matij iyo Paul Pogba.

Waxaa la sheegay inuu leeyahay qaab ciyaareedka N’Golo Kante .

Riyad Mahrez – Manchester City

Ka yimid: Leicester City (Ingiriiska)

Lagu iibsaday: £60m

Mahrez ma aha qof ku cusub Premier League.

Laakinse waxaa xusid mudan inuu yahay laacibka ay la soo wareegeen kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City.

Waxay kaloo kooxdu keensatay xilli cayaareedkan Claudio Gomes and Philippe Sandler.

Xilli cayaareedkii la soo dhaafay, Man City aad ayey u heer sarraysay, waana kooxdii 1aad ee 100 dhibcood ka gaarta Premier League.

Marka la eego sida fudud ee ay uga badisay Chelsea, markii ay isugu yimaadeen cayaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Community Shield, waxay muujinaysaa weli inay kooxdu adag tahay.

Hase yeeshee horyaalka Champions League waxaa ka saaray Liverpool.

Haddaba Muxuu Mahrez kooxda ku soo kordhin karaa?

Cayaarta ugu horraysa ee Premier League waxay Jimcaha dhex mari doontaa Manchester United iyo Leicester City, 10ka habeennimo ee Afrikada bari.

 

horyaal

COMMENTS
LINKS