Hadaad aragtaan arrimahan JIDHKA-IS-GALIYA ..W/Q Xuseen Badhaani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadaad aragtaan arrimahan JIDHKA-IS-GALIYA ..W/Q Xuseen Badhaani
August 9, 2018 - Written by Reporter:

Waa halkii AHN Abwaan Gaarriye ayaa markuu dhigayo suugaanta ee uu tusaalaha u soo qaato gabayada QABALIGA ah wuxuu ardaydiisa ku odhan jiray “jidhka isgaliya”, maanta waxaan leeyahay “hadaad aragtaan arrimahan, reerkeena looma jeedo ee jidhka isgaliya:

“Hadii Madaxweynaha maamulkiisa wax laga sheego , innaga laynooma jeedo, ha u qaadan in BAKHAARADEENA laga hadlayo, ee arrintu waa shicib Madaxweynahooda xasuusinaya inuu fuliyo balanqaadadii barnaamijka Xisbiga Kulmiye isla markaana naawilaya inuu wax-u-qabto bulshadiisa daryeelka u baahan”

Hadaad aragtaan iyada oo la leeyahay “Somaliland la wada leeyahay” innaga laynooma jeeddo, waxaa laga hadlayaa Somaliland qaladaadkii dawladnimo ee dhacay 28kii sanadood ma saxnaa oo ma dib ma u hagaajisanaa iyada oo loo dhan yahay ama la isku dhan yahay Nuur iyo Naaleeyaba.

Hadaad Aragtaan iyada oo la hadal-hayo BIYO LA,AANTA Hargeysa iyo cabashadeeda, innaga laynooma jeedo waayo GEED-DEEBLE beesha degta badhkood ayay biyo la,aani haysaa (aniga ayaa ka mid ah), balse dadku waxay ka hadlayaan siday u heli lahaayeen aasaaskii nolosho ee biyaha iyo waxay xaqa ugu lahaayeen dawladooda, waxayna la xisaabtamayaan Maareeyaha W. Biyaha Mohamed Darod

Hadaad aragtaan iyada oo dadku ka cabanayaan Dawlada Hoose ee Hargeysa innaga laynooma jeedo, ee arrintu waxay daaran tahay bulshada waxay ka codsanaysaa Maayirkooda Abdirahman Mohamoud Aideed ina helaan adeegyadii bulsho ee magaalo looga baahnaa waddo, nadaafad, bilic qurxinta, mid nidaam ama sharciyadeed waxayna ku riyoonayaan inay maalin uun gaadhaan Hargeysa oo CAASIMAD u eeg.

Tababar Culus baa inoo socda, sidaa ku biya caba, halku-dhigeenu waa “HALKAASINA WAA QODOB”

COMMENTS
LINKS